Maradona oo shaqo ka raadsaday waddanka Ciraaq

Warar uu baahiyay bogga ciyaaraha ee Goal.com ayaa lagu sheegay in laga yaabo ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Argentina Maradona in uu noqdo macalinka Kooxda qaranka waddanka Ciraaq.

Xiriirka kubadda cagta waddanka Ciraaq ayaa ku shaaciyay boggooda Websiteka in macalinka ku meel gaarka kooxda qaranka uu noqon doono, laakin ugu dambeen lala soo wareegi doono Maradona.

Maradona ayaa ka soo shaqeeyay waddanka iskutaga imaaradka carabta, isagoo lataliye u soo noqday kooxda Al-Wasl.

Waxa kaloo laga xilkan kula tartamaya macalinkii hore ee xulka Ingiriiska ee Sven-Goran Erikkson kaasoo raba in uu lee liyo kooxda ka dhisan bariga dhexe.

Xakin Shakir ayaa tababare buuxa noqday markii loo dhiibay macalinka leelin doona kooxda koobka gacanka oo ka dhacaya waddanka Bahrain, toddobaadka dambe.

Kooxda waddanka Ciraaq ayaa isku diyaarineysa koobka adduunka ee 2014-ka kaasoo ka dhacaya waddanka Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here