Maradona “C.Ronaldo waxa uu mudanyahay in loo dhiso taalo”

Mucjisadii hore kubadda cagta arjentine Diego Armando maradona ayaa aad u amaanay xidiga naadiga Realmadrid iyo xulka Portugal C.ronaldo,kadib markii uu xulkiisa kacaawiyay ineey soo tiigsadaan Quaterfinal-ka Euro 2012.

“c.ronaldo waxaa uu dagaal ugu jiraa sidii uu wadankiisa ugaarsiin lahaa guul taariikhi ah” sidaa waxaa yiri mucjisadii hore kubada cagta maradona

Waxa uuna hadalkiisa kusii daray “waa laacibka ugu wanaagsan dunida ciyaarihii furitaanka tartanka euro 2012 waxa uu umuuqday mid caajis uu saaranyahay laakiin nasiib wanaag 2dii ciyaar ee ugu danbeeysay waxa uu muujiyay awood iyo dadaal dheeraad ah waxcaana sabab u ah tababare pinto iyo laacibiinta kala ah pepe,mirales,iyo laacibka garabka kaga ciyaaro man united Nani”

Maradona ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “dhowr ciyaar kadib ronaldo waxa uu saxiixay 3gool isagoo Portugal u hogaamiyay ineey soo tiigsadaan Quarter final-ka waxa uuna taageerayaasha u muujiyay inuu yahay hogaamiye wanaagsan waxa uuna mudanyahay in magaalada Lisbon looga dhiso taalo