Saraakiil ka socota Siiraliyoon oo gaaray Dekeda Kismaayo

Sida ay sheegayaan wararka laga helo dekeda magaalada Kismaayo ee Xaruunta gobolka Jubada Hoose, ayaa waxa ay ku waramayaan in laba Markab oo ah Nuuca Xamuulka islamarkaasna sida Saanad milatari iyo waliba Saraakiil la tilmaamay inee kasocdaan Dalka Siiraliyoon ay halkaas kusoo xirteen.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in xalay Saqdii dhexe amaanka dekada Kismaayo gabi ahaanba ay adkeeyeen Ciidamada doowlada iyo kuwa Kenya ee  kusugan magaalada islamarkaasna soo dhoweeyay Saraakiisha aksocota Ciidamada Siiraliyoon ee maraakiibtaas saarnaa.

Wararkuw axay sidoo kale ku waramayaan in gudaha dekada kulan Saacado qaatay uu uga socday Saraakiisha soo gaartay halkaas iyo kuwa magaalada horay ugu sugnaay, wadahadalkaas ayaa ku saabsanaay sidii loo dar dar galin lahaa dagaalka kadhanka ah Al-shabaab, islamarkaasna deegaanada gobolka Jubada Dhexe ay u jiheeysan lahaayeen.

Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa tilmaamay ineey aad ugu faraxsanyihiin in Maraakiibtaan ay qayb kanoqdaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, islamarkaansa maalmaha soo socda isbadal laga dareemi doono gobolada Jubooyinka.

Waa markii ugu horeeysay oo maraakiib dagaal sidana hub iyo Saraakiil Siiraliyoon kasocda ay soo gaaraan magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here