Maqnaanshaha kaalinta bulshada ee dhismaha dowladnimada yaaka masuula?

Sh Calawi Jiis
Sh Calawi Jiis

Waxaa la wada ogyahay in soomaaliya ey ku jirtay burbur ku dhacay dhamaan mu,asasaadkii dowladnimo ee wadanka u hana qaaday lagasoo bilaabo 1960 lana kobcinaayay ilaa 1990 hadaba waxaa dalka jirta dowlad aan tabar badneyn laakin waxaa dadbadan is weydiinaayaan aaway kaalintii bulshada looga baahnaay ee dhanka sugida amaanka,taakuleynta ciidamada,dhismaha xarumaha qaranka gaar,ahaan xarumaha degmooyinka iyo laamaha xaafadaha taasoo runtii culeys weyn ka qaadi leheed dhanka dowlada siiba dhanka amaanka oo aad moodo in owsan hadda wax xariir ah oo bulshada aan la leheyn halka dadweynuhu ey kaalin firfircoon ka qadan karaan arintaas haddii qorsha sax ah loo dejiyo.

Hadaba maxaa looga baahanyahay dowladda dhexe si ey u soo celiso kaalinta bulshada soomaaliyeed oo aadka u taageersan meelkasta oo ey joogto horayna madaxweynuhu runtii uu aad ugu nuuxnuuxsaday in ow soo nooleynaayo kalinta bulshada soomaaliyeed taasoo ah wadada kaliya ee lagu taabagelinkaro dowladnimada oo dhinacyo badan ey isku dayaayaan iney daciifiyaan.
Caqabadaha waaweyn oo dowladda sugaaya oo loo baahanyahay in awoodda shacabka soomaaliyeed looga hortago caqabadahaas oo ey ugu waaweyntahay;-

1- Damaca dowladaha jecel iney farageliyaan arimaha siyaasadda soomaaliyeed leeskuna dayo in laga hortago himilada aadka ugu sareeya ee madaxweynuhu higsanaayo inow dalkaan si degdega horumaar dhankastaa la gaarsiiyo.

2- In la bilaabo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira qodobka FEDERAALKA oo ah meel halaqya galeen ah oo dhinacyo badan oo wadamada diriska iyo hey,adaha dulaaleynta arimaha soomaaliya ku naaxay oo aan marnaba raali ka eheyn in dowlad adaga dalkaan laga hirgeliyo ey doonaayaan in arinkaas ey fidno ka huriyaan.
Haddaba waxaan isleeyahay in jidka kaliya ee looga gudbikaro caqabadaha la maleegaayo waxaan u arkaa iney tahay sidaan;-

A-In bulshada la abaaulo oo madaxweynuhu shacabka iyo hogaamiyaashooda ow toos u abaabulo shaqadiisana ku darsado in uu shacabkiisa xiriir toos ah la sameesto maadaama ey aad umaddu u taageersantahay laakin eysan garaneyn jidka ey u maraan taageerada dowladda taasoo madaxweynaha iyo xukuumadiisu eysan weli ku guleysan.
B- In gudoomiyaasha degmooyinka iyo gobolka banaadir looga baahanyahay iney abaabulaan amaanka xaafadohooda amnigana laga dhigo amni shacbi ah ee uusan noqon amni markaziya oo shacabka dusha looga keeno taasoo shacabka kaalintiisa xagga amniga meesha ka saareysa sida haddaba muuqata.

T-In laga faa,iidesto dadka bulshadu qaderiso sida madaxdhaqameedka,culumada,abwaanada,iyo ganacsatada lana dejiyo siyaasad cad oo dhanacyadaas dowladdu uga faa,iideysan karto maqaamka ey bulshada ku leeyihiin si ey kaalin weyn uga qaataan isku xirka dowladda iyo bulshada.

TH-In la fuliyo balanqaadkii madaxweynuhu uga dhawaaqay LONDON ee ku aadanaay in la abaabulo dadka dibad jooga ah loona sameeyo GUDI QARAN oo dowladdu magacawdo lana furo xisaab u gaar ah taakuleynta ciidamada qaranka taasoo wax badan kusoo kordhinkarta heybadda dowladnimada.

J- In wasaaradda garsoorka iyo arimaha diinta ey u kacdo abaabulka culumada soomaaliyeed si loo caddeeyo masaa,isha diinigaa ee khawaarijtu dadka ku jiha wareerisay iyo in ey wasaaraddu ka shaqeyso in masaajiddii kaalintoodii lasoo celiyo.

Ilaahey waxaan ka baryeynaa in dowladnimada ow noo adkeeyo madaxda qarankana tuso wadada ugu dhaw ee dalkaan lagusoo celikaro heybaddiisa.

Walaal wixii tusaalooyin ah kusoo dir caliwajiis@hotmail.com amaba 0612222250

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here