
Codkan ogolaanshaha waxaa ogolaaday 138 dowladdood, waxaa diiday 9 dowladood, halka ay ka aamuseen 41 dowladood.
Madaxweynaha Falastin Mr. Cabaas ayaa u sheegay shirka golaha ee maanta in cod u qaadidani ay tahay fursadii u danbeysay ee lagu bad-baadinayo xalka lagu helayo laba dowladood oo ay yeeshaan Isreal iyo Falastiin.
Talaabadan Falastiin kor loogu qaaday maqaamkeeda ayaa u ogolaanaysa inay ka mid noqdaan hay’addaha caalamiga ee QM sida maxkamadda danbiyada ee ICC, taasoo siin doonto inay danbiyo ku soo oogi karaan Israel.
Maraykanka iyo Isreal oo diiday go’aankan ayaa sheegay inay go’aankan uu carqalad uu ku yahay qorshaha nabadda ee Bariga Dhexe.
Dawladihii kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay waxay gaarayaan illaa 128 dawladood, waxaana ku jirta dawlada SOOMAALIYA oo ka mid noqotay dawladaha sida weyn u taageeray in Falastiin ay fariisato kulamada Qaramada Midoobay.
Sidoo kale dawlada Jabuuti ayaa ka mid ah dawlada taageeray in Falastiin ay timaado shirarka Qaramada Midoobay.
Wakiilka dawlada Suudaan wuxuu kaloo sheegay inay muhim tahay in deg deg Falastiin loogu ogolaado inay xaqa ay leedahay hesho sida in dhulkeeda ay uga baxdo Yuhuuda iyo in shacabkeeda nabad ku noolaadaan.