Maqaal:Ma wadadii khaliijka mise waayaha japan?!

998520_467833029971776_1576842588_nTaariikhdu waa maguurto waxlaga bartaa,waa muraayad ruuxii indhalihi isku miisaamo, waa kafad aan marnaba ineey caddaalada ka iilato ogoleyn, waa mahurto cidkastaayi muggeed in la egi kamaalee…. Micnaheedu taariikhdu waa marqaatiga ciddii maanlihi wax ku miisaanto.

Taasi waa muqadas ay isku waafaqsanyihiin aqoonyahanada taariikha(the historian philosophies), lakin micnaha aynu qormadaan kamaaganahay ayaa ah; ineeynu bal kumiisaano maanta soomaali sideey tahay iyo halka mustaqabalka loo maleeynkaro-cilmulqaybka alle uumbaa lagooniya ee odorosid baa jirto-, inagoo tusaale uga kala dhigeeyno labo mandaqadood oo maanta dunida magac kuleh, lakin kala maqaam duwan. Tusaalana ka bixineeyno mahurtadii ay shalay soo mareen simaankeenu wax umiisaami karo.

Waa mandaqadii loo aqoon jiray xijaaz(khaliijka manta) iyo wadanka japan.

1)khaliijka: waxa uuka koobanyahay lixdoowladood oo qaarkood muwaadiniinta asalka ahi ay ka tiro yaryihiin ciidamada ameerikaanka ah ee xirooyinka kuleh dalalkaas. Waa wadamanka:sacuudi carabiya,kuweyt,baxrayn,cumin,qadar iyo imaaraadka. Waxaa loo aqoonjiray wixii ka horeeyay qarnigii 20aad( xijaaz), waxa ayna hoostegi jireen dowladii islaamka calanka usiday ee cusmaaniyiinta loo aqoonjiray.

Reer galbeedka oo sahmiyay kaydka shidaal ee dhaxceegaago ayaa kashaqeeyay si ay (cantonis)ama imaarad aan wax isu gelin dadna wax u gelin unoqon lahaayeen; dhexdooda ayuu cadaawad dhigay oo xuduudbeenaad buu usameeyay, qeeyrkoodna waa uukudiray oo wadamada lajaarka ahi ismay arki karaan. In mudo ah ayuu galbeedku kuhowlanaa mandaqadaan kahor inta aan shidaalkeeda ladaahrogin; waxa uu usoo diray aqoonyahano dhanwalba oo culuumta ah oo siwacan udarsay dhaqanka, juguraafiyada iyo dhaqaalaha ay manadaqada leedahay. Ujeedkuna wuxuu ahaa in mustaqabalka gacanta lagu dhigo-wayna dhacdee-.

Sitaa loo hirgeliyo waxa ay galbeedku taageereen qoysas maamuli jiray deegaano katirsan mandaqada qaarkoodna qaarka kale ayaa tooshaka loogu ifiyay lana tusiyay ineeysan labadooda meesha kuwada noolaan Karin(laba libaax reermawada maamuli karaan waa inuu mid baxaa), qoysaskaa waxaa kamid ahaa: reer sacuud, shariifkii makka maamulijiray iyo caruurtiisa,reer sabbaaxa manta kuweyt maamulo… iyo kuwo kale. Qoysaskaas waxaa kaloo ay ladagaalamijireen hoggaamiya gobaleedka ay soo magacoowdo dowlada cusmaaniyiinta, sidaa daraadeed ayagu cadow ayeey isku ahaayeen qeeyrkoodna cadaawadbeey uqabeen waxa kalkaalaana waa shihsheeye dana gurracan kaleh mandaqada.

Waxa ay arimo soo jiitamaanba waxaa lasoogaaray dagaalkii koowaad eedunida reer galbeedku isku food saaray caalamaka kalana ku jiiday ineey ka qaybqaataan(1914-1918), midkastaa oo raggaan soo sheegnay kamid ah waxaa loosheegaayay inuu isagu noqon doono boqorka carabta dagaalka kadib ..sidaa ayeeyna dagaalka ku galeen garabna usiiyeen reergalbeedkii ladgaalamaayay dowlada cusmaaniyada… dhamaadkii dagaalka waxaa laqaybsaday carabta oo labo quwadood dhexda ku dhufsadeen (ingiriis iyo faransiis).. raggii dagaalka galayna waxaa maamul ahaan loogu dhiiibay deegaano magacyo cusub loo bixiyay oo hoostegaayay labada quwadood mideed, deeganadii loo wanqalay ee raggaa lagu qanciyay waxaa kamid ahaa:sacuudi..,urdun.. iyo kuwo kale oo gadaal laga magacaabay.

Intaa marka ay dhacday shidaalkiibaa ladaahrogay macdantiina waa laqoday meelkastaana waxa ay noqotay baraare iyo gole barwaaqo; si nimcadaas uwaraatana cudud waalagama maarmaan halkeebeeysa ka imaan?! Galbeedku arintaa horay ayuu uga baaraandegay waayo qoysaskan nimcadu harqiday  waa isku cadow jaarkoodna lama tusi karo . sidaa daraadeed ayaa ciidanka reergalbeedka dalalkooda xirooyin looga furay. Maragbaadna utihiin manta (khaliijku)waxa uu galo iyo waxa uu gudo.. waa aalad gacanta ameerikaanka kujirto maalkoodana uu ku adeegto..- lasoco gabdhaha reer boqor ee wadamanka khaliijka sanadkastaa tiro aad ubadanbaa lafakato askarta dableeyda ah ee ameerikaankaa ee dalalkaas joogo-…

Taa aragnaye japan muxuu yahay?

2)japan: waa dhul jaziirad ah oo aysan wabiyo marin beerihiisuna gacan ku rimis yihiin.. waa dhulka dunida bari uxiga, boqortooyo soo yaal ah ayuu lahaa japanku. Reer galbeedku markii ay dunida cusub (waa labada ameeriko: waqooyiga iyo koofurta mareeykanka iyo oostaraaliya)qabasdeen warshadaahana ay sameeysteen ayeey bariga uga baahdeen macaadin iyo walxaha udgo.. halkaa waxaa kuyiil china, korea, indo-china,iyo japan. Japanka ayaana ugu turuqweeynaa iyo chinaha. Sikastaba reer galbeedka waxa ay isku dayeen ineey japan kala jarjaraan jaarkeedna ay ku jukeeyaan, lakin xikmada dadka japan ayaa taa diiday inkastoo japan dagaalo badan ay lagashay wadamada jaarka ah hadana gudaha iskamey cunin.. waana taa sirta awoodeed ee japan- hajireeno qodobo kale oo awooda japan saacidee-. Japan dagaalkii labaad ee dunida gudahiisa waxaa loo adeegsaday hubka wax gumaado ee nuyuuklayrka oo farsamo cusub ahaa waxayna ahaayeen dadkii ugu horeeyay oo lagu tijaabiyo wax galka hubkaa, isla markaana waxaa la dul dhigay ciidamo ameerikaan ah…. Lakin meeyan noqon dadka reer japan aalad gacanta ameerikaanka ku jirto sida walaalaha khaliijka ee ameerikaankii ayayba farsamo ku ciriiriyeen.

Bniyo dhaca qormadaan: wadadii khaliijka mise waayaha japan; bal aynu soomalaya ku saadaalino.

Somalidu waa dad kunool mandaqada geeska afrika waxay dhaqan,muuqaal iyo qaab nololeed wadaagan shucuubta mandaqada sida: cafarta,sidaamaha,saahooga iyo oromada.taariikh facweyn oo ilaayo faacinadii masar bahwadaag la ah ayeeyna soomaalidu leedahay.

Taariikhda cusub marka ay bilaabmantay soomalida waxaa loo qybiyay 3qaybood oo waxaa wadaagay quwado reer galbeed ah(ingiriis,faransiis iyo talyanka). Sadexdiina waxaa laga sii dhigay shan, kadib markii uu ingiriiska laba qaybood oo dhulkii uu haystay ka mid ahaa uu ku kala daray wadaman jaar ah.

Qaybintaas hajoogtee gumeeystuhu wuxuu kaloo kasahqeeyay sidii aqalka uu gudaha uga guban lahaa oo dadka soomaalida ayaa buun colaad loo yeeriyay dhexdooda ah, oo qabaa’il ayaa loo qaybiyay(bedelkii qoysaska carabta) jaarkooduna waa uu jiqayaa.

Hada waxaa lasaadaalinayaa in shidaalka khaliijku gabaabsi sii noqonaayo kaydkadadka shidaalka aduunka ugu waaweyna waxaa weeye qaarada afrika haku kala banaatee- khalija ginea iyo geeska afrika ayaa lagu sheegaa ineey ugu kayd shidaal weeyn yihiin qarada-.

Hadaba soomaaliyeey ma wadadii khaliijkaad mari mise waayaha japaanka ayaad tiigsan.. mise wado cusub ayaad ku soo kordhin waaya socodka dunida?!

Qore:C/raxmaan Mukhtaar “Mintid”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here