Maqaal:Dhalinta Mustaqbalka & Siyaasada Maanta

Dadka badawga ah oo keli ah ayaan u fiirsanin meesha ay ka yimaadeen, sida ay ku yimaadeen, halka ay joogaan, halka ay ku socdaan, inay jecelyihiin in ay aadaan halkaashaday sidaas tahay waayo? hadaanay ahayn waayo?

si loo saxo ambashada dowlad kasta oo soomaaliyeed hadii midnimo leysku raaco iyo hadii kaleba, maxaa talo inoo ah?

mar hadii nidaamkii suldaamada ee dhaxaltooyada ahaa uusan maanta aduunka ka hirgaleynin, mar hadii dowlad xisbiyo badan aynu af-garan weynay, mar hadii xukun adag oo ciidanku awoodu haystaan ina wadi kari waayeen.

hadaba maxaynu yeelnaa mustaqbalka?

waa su’aal culeyskeeda leh oo u baahan in ay ka baaraan degaan dhallinyarada aqoonta siyaasadeed lihi si leysku waafajiyo xaaladeena dhabta ah iyo nidaamka dowladnimadeena .

dhallinyarada soomaaliyeed oo dhami waxay maanta diyaar u yihiin inay si aan ku qasab lahayn uga gudbaan siyaasadaan dhallanteedka ah ee leysku qaldayo laguna daneysanayo.

waxaynu maanta wada qaadnaycudurka cusub ee aynu ku dari doonno cudurada caruurta laga talaalo oo magaciisa aynu u bixin doonno ( sas qabyaaladeed )

laakiin wadada loo marayo waa tee??

waa in aynu baadi doonnaa fikrado soo gudbintooda iyo fulintooda ay u dhaxeeyaan mar xalado is daba jooga oo midba mida ka dambeysa u gogol xaaadheyso ugu dambeyntiina ina gaarsiineyso higsigeena.

qof kastaana waa inuu ku xisaab tamo heerka garaadkeena siyaasadeed, diinteena, aqoonta dadkeena, dhaqaalahooda, hab nololeedkooda, taariikhda & dhaqankeena, dabeecada dadkeena, cimilada aynu ku noolnahay, bar-juqraafiyeedka dhulkeena, wadamada inala olloga ah (deriska) siyaasadooda, waxa aynu haysano, waxa suura galka inoo ah iyo ugu dambeyntii nidaamka caalamka cusub.

laakiin waa in aynaan si fudud oo laab la kac ah u odhan nidaamka mareykanka, ruushka ama koofur afrika aynu qaadano inagoon eegin kala duwnaashaha ama waxa aynu wadaagno, waana inaynu ku xisaab tanaa xaaladeena runta ah iyo murtida soomaaliyeed ee odhaneyso ( dani waa seeto ).

si kastaba ha ahaatee waxaynu u baahan nahay aragtiyo siyaasadeed iyo habsiyaasadeed cusub oo aynu ku wajahno siyaasadeena maanta.

mabda’ kasta aynu qaadanee marka marka hogaamiye yaashu ku socdaan siyaasad uu jiheeyay rabitaanka dadka isla markaana dad weynuhu ay u arkaan sidii ubad ay dhaleen ayey muteysan karaa kalsoonida shacabka, dad weynuhuna marka ay madaxdooda uga dambeeyaan sida ubadku waalidka u ixtiraamo ayey madaxdooda ka kasban karaan maamul daacad nimo sal u tahay.

waxaa hubaal ah in xukun kasta oo dhulka dushiisa ka jiro qalad galo isla markaana aanu raali gelin karin umadda oo dhan. waxaa kale oo aan farta ku fiiqayaa inaanu jirin xukun dimuqraadiyadiisu dhameys tiran tahay, hadii ay jiri lahaayeen dad muqadas ahi xukunku isagaaba dimuqraadi iska noqon lahaa hase yeeshee xukunka sidaas u dhameys tirani kuma haboona bani aadamka.

waxaa haboon in aynu xal baadi goobno, umadaha aduunku waxay soo mareen taariikh taxane ah oo da’iba da’dii ay badashay ay saxayeen khaladkoodii, inagase waxaa la moodaa jiilasha cusubi inay gabeen kaalintoodii iyadoo mid weliba sawir ka qaadanayo sidii awoowgii u dhaqmi jiray taasoo ka hor imaaneysa taxanaha nolosha dabadeedna jaha wareer keeneysa.

waxaase la yaab leh aqoonta aynu barano iyo ilbax nimadii xagey inaga martay?

maxaakeenay in aqoonyahanka da’da yari ee soomaaliyeed ee shahaadada sare ee jaamacadeed sita inuu daba galo oday qabyaalada shahaado ku sita oo sidiisa kale aqoon daro dhega tirtay.

aqoon darida lafteeda ayaa loo qeybiyaa saddex nooc oo kala ah:-

1.aqoon laawe isu qaba inuu wax yaqaano.

2.aqoon laawe og inuu waxba aqoon.

3.aqoon yahan isu qaba inaanu waxba aqoon.

•sifada koowaad waxaa laga dareemayaa siyaasiyiinteena maadaama kuwii koton sano joogay ay weli soo taagan yihiin iyagoo koton sano dhinac inoo dhigi waayey, marka waxaa la odhan karaa waxay isu qabaan inay aqoon siyaasadeed leeyihiin laakiin siyaasad iska daayoo naftooda ayey aqoon daro ka haysaa maadaama ay is garan kari waayeen inaaney aqoon siyaasadeed lahayn.
asc sister, iska waran walal soo ma fiicnid, waxaan rajeynaya inay wax walba kheir yihiin.
walaal waxaan jecleysaty inaan kuu soo gudbiyo maqaal aan qoray waa hore website-yada soomaalida qaar baa lagu daabacay. adigana waxaan kaa codsanaya inaad ku soo share gareyso 1ppl.
ciwaankiisana waxaa la yiraahdaa: dhallinta mustaqbalka iyo siyaasada maanta.

Dhalinta Mustaqbalka & Siyaasada Maanta

dadka badawga ah oo keli ah ayaan u fiirsanin meesha ay ka yimaadeen, sida ay ku yimaadeen, halka ay joogaan, halka ay ku socdaan, inay jecelyihiin in ay aadaan halkaashaday sidaas tahay waayo? hadaanay ahayn waayo?

si loo saxo ambashada dowlad kasta oo soomaaliyeed hadii midnimo leysku raaco iyo hadii kaleba, maxaa talo inoo ah?

mar hadii nidaamkii suldaamada ee dhaxaltooyada ahaa uusan maanta aduunka ka hirgaleynin, mar hadii dowlad xisbiyo badan aynu af-garan weynay, mar hadii xukun adag oo ciidanku awoodu haystaan ina wadi kari waayeen.

hadaba maxaynu yeelnaa mustaqbalka?

waa su’aal culeyskeeda leh oo u baahan in ay ka baaraan degaan dhallinyarada aqoonta siyaasadeed lihi si leysku waafajiyo xaaladeena dhabta ah iyo nidaamka dowladnimadeena .

dhallinyarada soomaaliyeed oo dhami waxay maanta diyaar u yihiin inay si aan ku qasab lahayn uga gudbaan siyaasadaan dhallanteedka ah ee leysku qaldayo laguna daneysanayo.

waxaynu maanta wada qaadnaycudurka cusub ee aynu ku dari doonno cudurada caruurta laga talaalo oo magaciisa aynu u bixin doonno ( sas qabyaaladeed )

laakiin wadada loo marayo waa tee??

waa in aynu baadi doonnaa fikrado soo gudbintooda iyo fulintooda ay u dhaxeeyaan mar xalado is daba jooga oo midba mida ka dambeysa u gogol xaaadheyso ugu dambeyntiina ina gaarsiineyso higsigeena.

qof kastaana waa inuu ku xisaab tamo heerka garaadkeena siyaasadeed, diinteena, aqoonta dadkeena, dhaqaalahooda, hab nololeedkooda, taariikhda & dhaqankeena, dabeecada dadkeena, cimilada aynu ku noolnahay, bar-juqraafiyeedka dhulkeena, wadamada inala olloga ah (deriska) siyaasadooda, waxa aynu haysano, waxa suura galka inoo ah iyo ugu dambeyntii nidaamka caalamka cusub.

laakiin waa in aynaan si fudud oo laab la kac ah u odhan nidaamka mareykanka, ruushka ama koofur afrika aynu qaadano inagoon eegin kala duwnaashaha ama waxa aynu wadaagno, waana inaynu ku xisaab tanaa xaaladeena runta ah iyo murtida soomaaliyeed ee odhaneyso ( dani waa seeto ).

si kastaba ha ahaatee waxaynu u baahan nahay aragtiyo siyaasadeed iyo habsiyaasadeed cusub oo aynu ku wajahno siyaasadeena maanta.

mabda’ kasta aynu qaadanee marka marka hogaamiye yaashu ku socdaan siyaasad uu jiheeyay rabitaanka dadka isla markaana dad weynuhu ay u arkaan sidii ubad ay dhaleen ayey muteysan karaa kalsoonida shacabka, dad weynuhuna marka ay madaxdooda uga dambeeyaan sida ubadku waalidka u ixtiraamo ayey madaxdooda ka kasban karaan maamul daacad nimo sal u tahay.

waxaa hubaal ah in xukun kasta oo dhulka dushiisa ka jiro qalad galo isla markaana aanu raali gelin karin umadda oo dhan. waxaa kale oo aan farta ku fiiqayaa inaanu jirin xukun dimuqraadiyadiisu dhameys tiran tahay, hadii ay jiri lahaayeen dad muqadas ahi xukunku isagaaba dimuqraadi iska noqon lahaa hase yeeshee xukunka sidaas u dhameys tirani kuma haboona bani aadamka.

waxaa haboon in aynu xal baadi goobno, umadaha aduunku waxay soo mareen taariikh taxane ah oo da’iba da’dii ay badashay ay saxayeen khaladkoodii, inagase waxaa la moodaa jiilasha cusubi inay gabeen kaalintoodii iyadoo mid weliba sawir ka qaadanayo sidii awoowgii u dhaqmi jiray taasoo ka hor imaaneysa taxanaha nolosha dabadeedna jaha wareer keeneysa.

waxaase la yaab leh aqoonta aynu barano iyo ilbax nimadii xagey inaga martay?

maxaakeenay in aqoonyahanka da’da yari ee soomaaliyeed ee shahaadada sare ee jaamacadeed sita inuu daba galo oday qabyaalada shahaado ku sita oo sidiisa kale aqoon daro dhega tirtay.

aqoon darida lafteeda ayaa loo qeybiyaa saddex nooc oo kala ah:-

1.aqoon laawe isu qaba inuu wax yaqaano.

2.aqoon laawe og inuu waxba aqoon.

3.aqoon yahan isu qaba inaanu waxba aqoon.

.sifada koowaad waxaa laga dareemayaa siyaasiyiinteena maadaama kuwii koton sano joogay ay weli soo taagan yihiin iyagoo koton sano dhinac inoo dhigi waayey, marka waxaa la odhan karaa waxay isu qabaan inay aqoon siyaasadeed leeyihiin laakiin siyaasad iska daayoo naftooda ayey aqoon daro ka haysaa maadaama ay is garan kari waayeen inaaney aqoon siyaasadeed lahayn.

•sifada labaad waxaa laga helyaa dad weynaha caadiga ah halkaasoo qofkii aan wax baranin uu is ogyahay inaanu aqoon lahayn taas oo aan jaahilnimo lagu sheegi karin balse loo baahanyahay in wax la baro.

•sifada seddexaad waxaa qaatay dhallinyarada soomaaliyeed ee wax baratay ee hadane isu arka in aaney waxba ka aqoonin wax ka qabashada wadankooda iyagoo daba galaya kii jaahilnimadiisu aynu soo sheegnay, kuwaasoo maanta aad moodo in ay yihiin maxaabiis-maskaxeed u xidh xidhan qab qablayaal dagaal oo tafaraarukh dhex geliyay da’dii ku xigtay si aan loo weydiin sax iyo khalad wax ay sameeyeenba.

waxaase is weydiin mudan miyaaney dhallinyaradaasi fahansaneyn odaygaan rug cadaaga ah ee ay qabyaalada ku taageerayaan inuu ka qaaday fursadoodii markii uu tiisii dhameystay !!

dhallinyarooooy waase adinka iyo garaadkiin hadaad iga ogolaataan inaad ii dhibaatootaan oo ii dhimataan si aan anigu daruuraha dhexdooda ugu noolaado.

waxaanse rajeynayaa in dhallinyarada wax baratay ay dhulka ka kici doonaan mar hadii ay maanta kala garanayaan kan daneysanaya iyo kan u daneynaya.

maah maah soomaliyeed baa tidhaahda ( mar i dage ALLAH ha dago, mar labaad i dagase anaa isu dagay ).

waxaa maanta la wada fahmay oo aan qofna caad ka saarneyn ereyada af-gobaabsiga ah ee ay adeegsadaan daneystayaasha qabyaalada ku dhuunta.

taariikhdu waa ma guurtee

maskaxdii fayow baa

ka macaashta waayaha

mahadhada ku reebee

dab munaafaq shiday iyo

maqal amarka oo raac

anaa kaa masuul ehe

muraadkeyga ii fuli

markaan yeeli meynoo

makri waa ku daalnaye

maxaa maanta noo dana???..

Abwan Guure- gabaygii (aaway Dararti Maandeeq)

Abdi Addow
Abdullahi@ungdomarsframtid.se
Stockholm – Sweden

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here