MAQAAL: Soomaaliya iyo Nidaamka Federaaliga: Yaa Diidan, Yaase Oggol?

indexMacnaha cinwaanka qoraalkayga aqristow waad iska garan kartaa madaama labada arin ee lagu xusay cinwaanka aad mid uun aaminsan tahay, midna aad ka soo horjeedo. Si kastaba ha ahaatee, hadaan nahay dadka Soomaali ku abtirsada Bari, Galbeed, Waqooyi iyo koonfurba, dhamaanteen, waxaa naga go’an Soomaalinimada iyo in Soomaaliya ay Soomaali leedahay. Waxaase xusid mudan, in kuwa dhalashada Soomaalinimada qaatay, waa haday jiraane, si kastaba ha ku qaataane, in ay iyaguba laga yaabee aaminsan yihiin in Soomaalinimada ay tahay mid muqadas.

Hase yeeshee, waxaan la inkiri karin in dagaalkii sokeeye arinta ugu wayn ee laga dhaxlay ay tahay isaamin la’aanta ka dhexdhalatay dadwaynaha Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay aduunka ka joogaan, gaar ahaana meel kasta oo ay Somaaliya uga nool yihiin. Waxaase wax cajaa’ib ah in dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku nool yihiin, dal iyo dibadba, ay tooda ka hor mariyaan Soomaalinimada intii karaankooda ah.

Hadaba maxay wewelka laga qabo nadhaamka Federaaliga ahi? Dadka ka soo horjeeda nadhaamka Federaaliga ahi, waxay inta badan ku doodaan in nidhaamka Federaaligu uu yahay mid wax u dhimaaya Soomaalinimada, isku duubnaanteeda, iyo cisiga dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dadka fikradaan qaba ama aaminsan, ayaa ku dooda in Federaalku yahay mid wiiqaaya awooda Dowlada dhexe ee Soomaaliya, keeni karana in uu sababo nidhaam dowli daciif ah.

Dhinaca kalena, dadka aaminsan ama qaba nadhaamka Federaaliga ah, ayaa aaminsan in uu yahay midka keli ah ee dadka Soomaaliyeed isku keeni kara. Waxay kaloo aaminsan yihiin in nadhaamka dowliga dhexe ay tahay arintii sababta u ahayd in uu dhaco dagaalkii sokeeye, dagaalkaas oo la isku raacay in uu ahaa midkii ugu foolxumaa inta la hubo, uguna xumaa dhacdooyinka la xusay intii la bilaabay qoraalka taariikhda Soomaaliya.

Dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii 1990kii ayaa waxaa uu sababay in ay dad badan ku nafwaayeen – ha ahaadaan dad la dilay intii dagaalku socday, kuwo gaajo iyo cudur u dhintay, iyo kuwo qax ah oo naftoodi ku waayey dhul aan dhulkoodi ahayn.

Hadaba dadka sida xun uu u saamayey dagaalka, ayaa ah kuwa aan marna la soo marsiinkarin in mardanbe awood buuxda la siiyo dowlada dhexe oo Soomaaliyeed, madaama wixii dhacay ay markasta soo noqon karaan. Fikradaaan oo gaarsiisay in Soomaaliland ku dhawaaqdo in ay kala noqotay Soomaliay kalsoonidii, hada ay rabto in si gooni ah isu taagto. Marka laga reebo Soomaaliland, dadka fikradaan aaminsan oo ku taamaaya in nadhaamka dowliga Federaaliga la helo, iyaga oo ay weli ay ka go’an tahay in isku duubnida dowlada iyo dalka Soomaaliya ay muqadas tahay.

Isku soo duuduub, ninkii nool, hadii ALLAH yiraahdo, waxa uu ogaadoonaa waxa ay Soomaalida rabto in ay isku xukunto markii ay dhacdo aftida lagu la qabandoono sanadka 2016ka.

Maantayse, marka aad fiiriso sida uu u eg yahay maswairka qariirada Soomaaliya: Puntland, Jubbaland, KoonfulGalbeed iyo Gobalada dhexe (GalMudug, Ximan iyo Xeeb, oo ay Hiiraan ku jirto la isla dhexmaraayo in ay qaar ka mida hogaamiyaashooda ay fadhiyaan) iyo Somaliland (waa haduu nidhaamka federaalka uu noqdo mid soo celiya kalsoonidii ay kala noqdeen dowlada Soomaliya), waxaad arkaysaa in nadhaamka Federaaliga ah uu noqday mid taabagalay, mid soo celin kara isku kalsoonaanta dadwaynaha Soomaaliyeed iyo mid sababi kara dowlada Soomaaliyeed oo isku duuban.

Maxaa yeelay, xataa Soomaaliland oo siiyaasadeedu ka duwan tahay mida Puntland, ayaa Soomaalida gobolada kale ay u baxsadeen deganaashaha ka jira Somaliland iyo Puntland – iyaga oo irdaha u furay walaalahood Soomaaliyeed. Arintaan oo noqon karta mid cadayn u ah in iyada oo ay Soomaalinimada muqadas tahay, hadana nadhaamka Federaaliga uu noqdo mid lagu hago wadankeena, isku kalsoonaanta dadwaynaha Soomaaliyeedna soocelisa.

Sidoo kale, maamulka Jubbaland oo ah mid cusub, ayaa xaqiijiyey dhisida dowlad goboleedyadu in aysan ahayn mid ka soo horjeeda Soomaalinimada. Shirka dowlad goboleedka KoofurGalbeedna waa calaamada cadaynaysa nadhaamka dadka inta badan taabacsan yihiin. Sidoo kalena, la heli karo, dowlad goboleed ay u dhan yihiin gobolada dhexe oo idil. Intaas ka dibna ay sababto in Soomaaliland ay ku qanacdo nadhaamka Federaalka madaama ay dadkeedu ugu horeeyaan dadka Soomaaliyeed ee sida aadka wax ugu tirsanaya nadhaamkii dowlada dhexe – ha ahaato waqtigii ka horeeyey ama ka danbeeyey 1969kii.

W/Q:Mohamed Barre – Junlay “Buluf”

Waa qof wax ka qora arrimaha Soomaalida, degana Minneapolis, MN

 junlay99@aol.com

1 COMMENT

  1. Federal ka waa mushkilad hor leh oo ay horboodayaan shaqsiyaad soomaalinimadu kala weyntahay qabyaaladu oo doonaya sadbursi tusaale mudug laga soo bilaabo illaa hiiraan waxaa dega 23qabiil oo waaweyn lana dhihi karo waa meesha soomaaliya ugu dadka badan .marka cadaalad ma noqoneysaa in ay puntland magac maamulgoboleed wax lagula qeybsado iyagoo 7%ka ah dadka dega gobolada dhexe .sedbursigaas caan waxaa ku ah qolo gaar ah filimadii mj fino

Leave a Reply to xordege Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here