MAQAAL: Barlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 xubnood Ma Loo Dhan Yahay?

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya

Intaan aan qoraalkaan u gelin, aqristow waxaa Somaaliya ay iigu danbaysay sanadkii 1991kii. Sidoo kale, aniga, iyo inta iigu dhow sida: walalahay iyo waalidkay toona uma shaqayn dowladii milteriga ahayd ama kuwii ka danbayey ee la dhisay intii dagaalkii sokeeye socday ama dagaalkii sokeeye dhamaaday.

Hase yeeshee, waxaase xusid mudan in Aabahay uu ka mid ahaa dhalintii wax baratay waqtigii isticmaarka, kana mid noqday shaqaalihii qaranka Soomaaliyeed.

Dhinca kalena, aniguna waxaan ka mid noqday dadkii qaxii dagaalkii sokeeye wax ku bartay, qurbaha nolol cusub ku bilaabay, ka dibna ay ii suurtowday in aan noqdo shaqaalaha dowlada ee deegaanka aan deganahay.

Warka muhumadiisa waxay tahay: dowlada degaanka ee aan u shaqeeyo waxaa go’aankeeda gaara dad la soo doorto. Shaqaalaha sare ee dowlada deegaanka ayaa dadkaas la soo doorto soo hor dhiga miisaaniyada ay rabaan in ay ku hirgeliyaan mashaariicda ay dowladu qaban doonto, mushaharka shaqaalaha iyo kharashka kale ee sanadkaas.

Madaxdii la soo doortay, ayaa waxay ka munaaqashoodaan in kharashka miisaaniyada sanadka howlaha dowladu loogu fulin doono yahay mid wax tar u leh dadwaynaha degan deegaankaas iyo in kale sida: caafimaadka, dhaqaalaha iyo nabadgelyada dadka deegaanka. Iyada oo dhinac kasta laga eegay, ayaa cod loo qaadaa, hadii aqlabiyada ugu badan isku raacdana, waa la ansaxiyaa, iyada oo la isugu niyadsan yahay in qorshaha dowladu uu mid wax tar u leh horumarinta nolosha dadka.

Marka qoraalkayga waxaan uga gol leeyahay, hadii aadan wax ku lahayn 275ta Xubnood ee Barlamaanka Dowlada Federaalka, oo sad bursi owgiis wax ku waysay ama aad weligaa duudsi ku jirtay, hadaba ogow in doorashada dhacaysa, waa ninkuu ALLAH gaarsiiyee, 2016ka, aad diyaargarowdaa: tuuladaada ama magaaladaada qofkii kaaga soo geli laha aa adiga oo aan dad kale duudsinayn. ALLAH ha kaa jiro in aad qof ku dulmiso, maxaa yeelay, xisaabta AAKHIRO waa mid kuu taal!.

W/Q: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana Minneapolis, MN ee dalka Maraykanka junlay99@aol.comax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here