Ma’ogtahay in Gabriel Jesús 3 sano kahor uu ahaa mid riinjiyeeya wadooyinka São Paulo?

Xidiga Manchester City Gabriel Jesús ayaa baraha Bulshada soo dhigay Sawiro muujinaya sida ay noloshiisa isku badashay sanado kooban gudahooda.

Sida aad sawiradaan ka dheehan doonto nolosha Gabriel Jesús ayaa isku badashay sanado yar gudahooda.

Gabriel hada waa furaha kooxda Guardiola

Gabriel ayaa kooxda Guardiola ee City kusoo biiray Bishii January ee sanadkaan wuxuuna kasoo wareegay kooxda ka ciyaarta heerka koowaad Horyaalka Brazil ee Palmeiras, kumana qaadan daqiiqado inuu la qabsado dheesha kubadda cagta Ingiriiska isagoo kullamadiisi ugu horeeyay Goolal muhiim ah u dhaliyay City.

 


Gabriel wuxuu durbaba noqday Furaha kooxda Guardiola waxaana dartiis keydka loo geliyay Sergio Aguero oo sanado badan atoore ka ahaa Etihad 2 Horyaalka u qaaday Manchester City.

Jesus oo hada 20 jir ah ayaa 10-kiisi kulan ee ugu horeeyay kooxdiisa u dhaliyay 7 Gool, inkastoo uu kullamo badan ku seegay dhaawac soo gaaray hadana wuxuu muujiyay wax aysan muujin xidigaha kale eek u cusub Premier League.

Gabriel waa xidiga ay Brazil ku tashaneyso Koobka aduunka 2018

Sida uu durbaba ula qabsaday Manchester City, hadana maahan mid si fudud ku iloobay in 3 sano kahor uu ahaa Caseeye Riinjiyeeya Guryaha, waxa uu ahaa mid markasto taagan wadooyinka São Paulo isagoo Riinjiyeeya Guryaha.

Sidoo kale Gabriel waxa uu qeyb weyn ka qaatay qurxinta Bilicda magaalada São Paulo xiligaasoo dalkiisa lagu abtay koobkii aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here