Mancini:Waan soo yareyneeynaa farqiga dhibcaha ee ay Man utd Naga horeyso

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa qirtay in hogaanka 15ka dhibcood ee Manchester United kaga heyso horyaalka inaysan kooxdiisa u qalmin, islamarkaana kala sareynta horyaalka uusan runta ka tarjumeynin.

Iyadoo sideed kulan ay ka harsan tahay horyaalka, tababaraha Talyaaniga ayaa durbaba iska sii dhiibay horyaalka laakiin waxa uu sheegay inay doonayaan inay soo yareeyaan farqiga u dhaxeeya iyaga iyo deriskooda.

Labada kooxood ee Man United iyo Man City ayaa maalinta isniinta ku kulmi doona Old Trafford.

Mancini ayaa yiri: “Uma qalano inaan 15 dhibcood ka danbeyno United.

“Si fiican ayay u ciyaareen, waxaana ay badiyeen kulamo badan.

“18kii kulan ee u danbeysay lagama badinin, markii ugu danbeysay waxaa ka badisay Norwich.

“Waa ay u qalmaan inay hogaanka hayaan, laakiin 15 dhibcood maya. Miiska kala sareynta ma ahan mid runta ka tarjumaya.

“Haatan waxaan heysanaa sideed kulan. Hadii aan si fiican u ciyaarno, oo aan badino kulamo badan, markaas waa laga yaabaa inay soo yareyno farqiga inoo dhaxeeya.

“Haatan taas ayaa muhiimadeena ah.”

City ayaa si xusuus leh waxa ay 6-1 ku xasuuqday Man United markii ay xilli ciyaareedkii hore booqdeen Old Trafford. Mancini ayaase filaneynin in ciyaartoydiisa ay sidaas oo kale ku celiyaan isniinta, isagoo yiri:

“Taas suurtogal ma ahan. Taas oo kale waxa ay dhaceysaa boqolkii sannaba hal mar.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here