Mancini oo qiray in hoggaanka horiyaalka Ingiriiska ay lumisay kooxda Man City

Tababaraha kooxda Manchester City, Roberto Mancini ayaa shaaciyay in kooxdiisa ay ka quusatay hoggaanka horiyaalka dalka Ingiriiska, kaddib markii xaley guul 2 iyo 1 ay ka soo rgaareen garoonka Old Trafford .

Laakin Mancini wuxuu yiri in kooxdiisa ay ka mid noqon doonto kooxaha sannadka dambe ka qaybgalaya tartanka kooxaha qaaradda Yurub.

Kooxda Man Chester City ayaa goolka koobaad daahfurtay waxaana u dhaliyay James Milner laakin 7-daqiiqo kaddib ayaa qaybtii labaad waxaa ay iska dhaliyeen gool, Vincent Kompany , laakin markii dib la isugu soo laabtay ayaa waxa ay heleen goolkii 2-aad waxaana dhaliyay Sergio Aguero.

Guusha kooxda Man City ayaa ka dhigeysa in 12-dhibcood wali lagu hoggaaminayso kooxda United waxaana ka dhigan 7-kulan horiyaalka kulamada hadda ka harsan.

“Man United hoggaanka iyada ayaa heesata, waana uu dhammaaday horiyaalka,” Mancini ayaa sidaas u sheegay Sky Sports 1.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here