Mancini oo ka walwalsan dhaawaca soo gaaray Rodwell

Macalinka kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa walaac ka muujiyay dhaawaca soo gaaray xiddiga 21-jirka ee u ciyaara kooxdaas. Kaasoo lix kulan ka soo muuqday kaddib markii uu dhaawacmay.

Ciyaaryahankan ayaa la sheegay tan iyo markii uu kaga yimid Everton 12 million pounds waxa la dagay dhawaacyo, taasoo mugdi galisay kubadiisa cagta.

Roberto Mancini  ayaa sheegay in uu six un uga xumaaday dhaawaca la soo gudboonaatay Jack Rodwell.

Mancini ayaa rajo fiican ka muujiyay in Rodwell, uu dhawaan ka soo kabto dhaawaca sii gaaray, laakin waxa loo maleenayaa in uu ka maqnaan doono garoonka Etihad Stadium inta ka harsan horiyaalka.

“Waxa aan rajeyneynaa in uu si dhaqsa ah u soo kabsado, kuna soo bogsado labo ama seddax toddobaad .

Wuxuu intaas ku daray in ay tabi doonaan ciyaaryahankaas oo qaab ciyaareedkiisa uu ku tilmaamay mid aad u wanaagsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here