Manchester United oo u soo bandhigtay Evra in uu la sii joogo halsanno oo kale

Kooxda Manchester United ayaa u soo bandhigtay Patrice Evra in uu qalinka ku duugo hal sanno oo heshiis cusub si uu ula sii joogo xilli ciyaareedkan  sidaas waxaa qoray maanta bogga ciyaaraha ee Goal.com.

Xidiggan reer France ee ka ciyaara dhinaca bidix ee difaaca ayaa la ceyriyay intii lagu guda jiray 2012 illaa 2013- markaas oo kooxda Red Devils ku dhaweyd in ay ku guuleesato horiyaalka Ingiriiska
Macalinka kooxda Sir Alex Ferguson ayaa laga soo xigtay isagoo leh waxaa socda heshiis wadahadal ah oo ku saabsan in ciyaaryahanka 31-ka uu la siii joogo kooxda.

Ciyaaryahankan ayaa kaga soo biiray Man Chester United bishii January sannadkii 2006-da waxaana xilligaas ka soo tagay kooxda Faransiiska ka dhisan ee Monaco.

Sida ku cad heshiiska uu ku joogayo Efra garoonka Old Traford waxa uu ku egyahay oo u dhacayaa  bisha May sannadka 2014.

Evra Wali wuxuu yahay diaafaca koobaad ee Man United, laakin sidaas oo ay tahay haddana waxaa la sheegay in uu qaladaad badan yahay.

Dhammaan ciyaarihii Red Devils’-ka ciyaartay  horiyaalka Ingiriiska Premier League xilli ciyaareedkan 2012-13, wuu ciyaarayay.

Wuxuu gacan ka geestay afar gool oo u dhaliyay kooxda iyo in kooxda 12-ku hoggaamiso kala horaynta horiyaalka.

Sannadkii 2012-ka ayaa hal mar waxaa laga warhelay in Evra u socdo kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain, laakin arrintaas waxaa diidday  Sir Alex.

Mar uu hadlay bishii December, Evra wuxuu yiri ” Waa kooxda magaalada waligey ma qarin in aan jeclahay  Paris, xitta markii Monaco aan joogay.

Evra waxaa la sheegay in uu caawa ka mid yahay ciyaara lagu soo billaabi doono kulanka kooxdiisa ay kaga horjeedo Madri, labada koox ayaa lugti hore ee quarter-finals koobka kooxaha Yurub waxa ay ku kala tageen 1 iyo 1, waxaana kooxda Man ay wadataa gool ay ku dhalisay garoonka Real.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here