Manchester United oo tababare cusub loo magacaabay

War caawa ka soo baxay naadiga Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska  ayaa lagu sheegay in tababaraha cusub ee kooxda loo magacaabay David Moyes oo hadda ah macalinka kooxda Everton.

Moyes oo noqday macalinka badalaayo Sir Alex Fergusan
Moyes oo noqday macalinka badalaayo Alex Ferguso

Moyes ayaa bedali doona Sir Alex Ferguson oo 27-sanno ku sugnaa kooxda Manchester United tababarahan cusub ayaa heshiis lix sanno ah la saxiixday kooxda, waxaana shaqada uu si rasmi ah u billaabi doonaa 1-da bisha July.

Moyes, ayaa ka tagaya kooxda Everton kaddib 11-sanno oo ku sugnaa garoonka Goodison Park, wuxuu shaqada kala wareegi doonaa macalinka muddada dheer ku sugnaa garoonka Old Trafford.

Tababare Moyes oo 50-jir ah ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda  Everton wuxuu dhammaanayaa xilli ciyaareedka hadda socda.

“Waxaa la isku raacay in shaqada uu la wareego David Moyes,” sidaas  waxaa yiri Ferguson, oo si rasmi ah u shaaciyay Arbacadii in uu ciyaaraha ka fadhiisanaayo 26-sanno kaddib markii maamule u ahaa United-ka.

Sidoo kale wariyaasha ku sugan dalka Ingiriiska waxa ay lee yihiin Ferguson wuxuu noqon doonaa xoghayaha kooxda, oo kama dheeraan doono kooxda waana uu ka qayb qaadan doonaa horrumarka kooxda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here