Manchester United oo soo qabatay City, halka Chelsea,Liverpool iyo Manchester City barbaro galay.

Weeraryahanka kooxda Man United ee Berbatov ayaa saddexley maanta uu dhaliyey waxaa ay u horseeday in kooxdiisu ay isku dhibco noqdaan naadiga Man City oo markii hore labo dhibic ka horeysey ciyaar ay kooxda Man United ugaga badisey kooxda Wigan 5-0.

Hase yeeshee City ayaa weli faraqa goolasha shan gool ku hogaaminaysa horyaalka Premierka ee dalka Ingiriiska.

Ji-sung Park ayaa goolka u horeeyey dhaliyey hase yeeshee intii aysan qeybta hore dhamaan ayaa Berbatov labo kale sii raaciyey.

Hase yeeshee qeybtii dambe ayaa Berbatov goolkii saddexaad uu dhaliyey uu ahaa rigoore lagu sharfay waxaa goolka kale u dhaliyey Man United Valencia.

Hase yeeshee kulan kale oo la sugayay ayaa maanta waxaa isaga horyimid kooxaha Man City iyo kooxda West Brom iyadoo ciyaartuna ay ku dhamaatay 0-0.

Kooxda man City ayaa ku guuldareystatay inay gool dhaliso markii ugu horeysey tan iyo markii xilli ciyaareedkan uu ka bilowday dalka Ingiriiska.

Waxayna kooxdu 0-0 isla dhaafi waayeen kooxda West Brom ciyaar ka dhacday garoonka Hawthorns ee kooxda West Brom, Jerome Thomas iyo  Mario Balotelli darbado xoog leh waxay ay ku garaaceen biraha goosha kooxda West Brom hase ahaatee kulankan ayaa kooxda West Brom dhibicda ay ka heshay waxa ay ka soo gashay kaalinta sagalaad kala horyenta kooxaha horyaalka Ingiriiksa halka kooxda Man City iyada la soo qabtay oo kooxda Man United ay barbarahan ka faa’ideysatay hase yeeshee waxaa weli dhinaca goolasha ku horeysa kooxda Man City.

Kulamadii kale ee Premier League ayaa kooxda Liverpool waxa ay ku kala baxeen kooxda  Blackburn Rovers barbaro 1-1ah.

Ciyaartan oo ka dhacday Anfield ayaa lix kulan ee ay ciyaareen Liverpool waxaa shan kamid ah ay ku dhamaatay barbarro.

Blackburn ayaa 15 kulan oo ay ku ciyaartay garoonka Anfield ay kala laabanaysay guuldarro hase yeeshee waxa ay goolka ku heleen markii kubbad koorno ahayd uu iska dhaliyey Charlie Adam qeybtii hore ee ciyaarta.

Kulankan ayaa markii ugu horeysey tan iyo oktobar 22keedii waxaa kursiga keydka ka soo kacay oo ciyaarta soo galay Steven Gerrard oo ay dhaawacyo ragaadiyeen. Hase yeeshee goolka barbaraha ayaa Liverpool waxaa u keenay  Maxi Rodriguez daqiiqadii 53aad.

Kulamada maanta bareejada ku dhamaaday intaa kuma eka ee hadana kooxda Chelsea ayaa 1-1 waxa ay ku kala baxeen kooxda Fulham.

Goolka ayaa waxaa ku hormartay kooxda Chelsea waxaana u dhaliyey Juan Mata hase yeeshee kooxda Fulham ayaa waxaa u barbareeyey Clint Dempsey. Kulankan ayaa waxaa wacdaro ka dhigey oo goolal badanka badbaadiyey kooxdiisa goolhayaha kooxda Fulham ee David Stockdale.

Kulamadii kale ee la ciyaaray ayaa waxaa kooxda NewCastle ay 2-0 uga badisey kooxda Bolton Wanderers halka sunderland iyo Everton ay ku kala baxeen 1-1.