Manchester United oo sii dheereeysatay Hogaanka

 Manchester United Naadiga uu hogaamiyo macalin Sir Alex, ayaa wali waxay sii wadaan guulihii isdaba jooga ahaa, Manchester United ayaa galabta 3/1 kaga adkaatay dhigeeda Sunderland.

Weeraryahanka reer Holand islamarkaasna ay dhowaan kala soo wareegeen naadiga Arsenal Robin Van Persie, ayaa United u sahlay ineey qabtaan hogaanka ciyaarta kadib markii uu daqiiqadii 16-aad shabaqa Sunderland ku hubsaday gool aad uquruxbadnaa.

Waxaana Manchester Hogaanka Ciyaarta usii dheereeyay ciyaaryahanka Tom Cleverley oo daqiiqadii 19aad kadhigay 2/0, halka daqiqadii 59-aadna uu soo gabagabeeyay Roneey, kahor intuusan goolka agoonka Sunderland u saxiixin Campell.

Manchester United ayaa hadda Horyaalka Britain ku hor kaceeysa 42 dhibcood, waxayna 6 dhibcood oo nadiif ah ka horeeysaa walaasheed Manchester City, oo iyadana galabta isla natijada Man United oo kale ku garaacday Newcastle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here