Fellaini oo si rasmi ah ugu biiray Manchester United

FellainiManchester United ayaa si rasmi ah u xaqiisay in ay la so saxiixatay xidigga qadka dhexe ee Everton, Marouane Fellaini kaasoo muddo dheer la doonayay, labada koox ayaa si rasmi ah u shaaciyay warkan maanta oo Talaado ah.

Xidigga reer Belgiam ayaa ugu biiray garoonka Old Trafford aduun lacageed £27.5 million, wuxuuna dib ula midoobayaa tabbabarihiisii hore David Moyes.

Shabakadda Goal.com ayaa ogaatay in heshiiskan uu dhacay subaxnimadii Isniinta shaley waxaana uu ka dhacay garoonka kooxda Man Chester United.

David Moyes oo war uu soo dhigay barta Internetka ayaa sheegay : “Waxaan la soo shaqeenyay Marouane muddo shan sanno aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay Manchester United. waa ciyaaryahan aad u wanaagsan oo awood leh in uu door ka qaato kooxda .”

Fellaini ayaa codsaday in uu ka tago kooxda ,.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here