MANCHESTER – Naadiga Manchester United ayaa kordhisay dhibcaha ay ku hoggaamineyso horiyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii galabta garoonka Old Trafford 2 iyo 1 ay kaga badiyeen kooxda Liverpool.
Kooxda ayaa hadda horiyaalka ku daadihineysa illaa 10-dhibco, taasoo u muuqata in horiyaalka ay markale ku guuleesan karto.
Daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta qaybtii koobaad ayaa xiddigga reer Holland Robin van Persie uu ka caawiyay kooxda uu macalinka u yahay Sir Alex Ferguson in ay hoggaanka qabato.
Ciyaarta ayaa qabytii koobaad waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 0 oo ay ku hoggaamineyso naadiga shayaadiinta cas ee Man U.
Markii dib la isugu soo laabtay, ayaa Daniel Sturridge ayaa qaladaad uu sameeyay waxa ka faa’ideestay Nemanja Vidic, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2 iyo 0.
Sidaas oo ay ciyaarta tahay ayaa wax kasta waxa ay isbadaleen, kooxda Liverpool ayaa heshay goolkii koobaad uu u dhaliyay daqiiqadii 57-aad ciyaaryahan Daniel Sturridge.
Sir Alex Ferguson ayaa kooxdiisa waxa ay ka horreysaa kooxda Liverpool 24-Dhibcood horiyaalka oo la ciyaaray xilli ciyaareedkan illaa 16-kulan.
Kooxda Man United ayaa horiyaalka ku hoggaamineyso 8-dhibcood oo nadiif ah, waxana kooxd ku soo xigta ee Manchester City caawa ay ka badisay kooxda Arsenal.
Kooxda Man United, ayaa wax u soo laabtay Rio Ferdinand, Vidic, Patrice Evra, Michael Carrick, Ashley Young iyo Van Persie kuwaasoo kooxda ka maqnaa.
Ciyaaryahan Persie ayaa dhaliyay goolkiisii 17-aad ee xilli ciyaareedka uu dhaliyo, waxana uu noqday xiddig ay ku tashato kooxda Man U.
Ciyaarta oo aad u adkeyd waxa ka soo qaybgaley illaa 75501 oo qof , waxana ay ka dhacday garoonka kooxda Manchester ee Old Trafford.
Ciyaarta Liverpool iyo Man U waxa garsoore ka ahaa Hawed Webb.
Dhinaca kal, Man City ayaa iyana guul ka gaartay kooxd Arsenal markii 2 iyo 0 uga badiyeen kooxda ka dhisan galbeedka London.
Goolasha kooxda Man City ayaa waxa dhaliyay Milner iyo Dzeko, labada kooxd ayaa iska soo daba agdhow.
Sidda illaa hadda loo kala hoggaaminaayo horiyaal
Position | Team | Played | Goal Difference | Points |
---|---|---|---|---|
View full table | ||||
No movement 1 | Man Utd | 22 | 27 | 55 |
No movement 2 | Man City | 22 | 24 | 48 |
No movement 3 | Chelsea | 21 | 24 | 41 |
No movement 4 | Tottenham | 22 | 12 | 40 |
No movement 5 | Everton | 22 | 9 | 37 |
No movement 6 | Arsenal | 21 | 16 | 34 |
No movement 7 | West Brom | 22 | 1 | 33 |
No movement 8 | Liverpool | 22 | 7 | 31 |
No movement 9 | Swansea | 22 | 5 | 30 |
No movement 10 | Stoke | 22 | -3 | 29 |
No movement 11 | West Ham | 21 | -3 | 26 |
No movement 12 | Norwich | 22 | -10 | 26 |
No movement 13 | Fulham | 22 | -5 | 25 |
No movement 14 | Sunderland | 22 | -5 | 25 |
No movement 15 | Southampton | 21 | -10 | 21 |
No movement 16 | Newcastle | 22 | -12 | 21 |
No movement 17 | Wigan | 22 | -17 | 19 |
No movement 18 | Aston Villa | 22 | -25 | 19 |
No movement 19 | Reading | 22 | -16 | 16 |
No movement 20 | QPR | 22 | -19 | 14 |
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com