Manchester United oo ceyrisay Moyes

Manchester United oo ceyrisay Moyes
Manchester United oo ceyrisay Moyes

Macallinkii Man United, David Moyes ayaa shaqada laga raacdeeyay 10bilood oo uu hayay shaqadaas kaddib markii uu sannadkii horre kala wareegay Sir Alex Ferguson.

Alex Ferguson ayaa intii uu joogay kooxda wuxuu ka dhigay mid ka mid ah kooxaha ugu caansan dunidda.

Ceyrintiisa ayaa la shaaciyay 08:30-kii saacadda Ingiriiska kaddib markii ay kulan ay yeesheen guddiga fullinta kooxd.

Moyes, oo 50-jir ah, ayaa loo xushay in uu qabto shaqada Ferguson oo guulo waaweyn gaarsiiyay kooxda 26-kii sanno ee uu la joogay.

Cayaaryahanka u cayaara Man United, Ryan Giggs ayaa shaqada macallinnimo sii heyn doona ilaa inta laga helaayo macallin cusub.

Wuxuu qaban doonaa cayaarta gu horreysay oo ay gurrigooda kula cayaari doonaan Norwich maalinta Axadda.

Man United waa ay diidday in ka warbixiso in ay ceyrineyso Isniintii sidda ay qoreen jaraa’idka.

Moyes, ayaa ka tagay Everton kaddib markii lix sanno uu la joogay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here