Manchester United oo amaah ku dhiibtay Bebe

Kooxda Manchester United ayaa amaah ku dhiibtay Bebe , kaasoo ku wareegay koox ka dhisan waddanka Portigal.

Waxana la sheegay in kooxda Manchester la siiyay lacag gaareysa illaa £7.4m,si uu  Bebe ugu wareego Rio Ave.

Bebe ayaa markii hore ka soo tagay kooxda reer Portuguese ee Guimaraes sannadkii  2010 , waxana uu macalinka kooxda Man United Sir Alex Ferguson uu qiray in uu yahay xiddigga kaliya ee  uu la soo wareego isagoo uu san daawan cayaarihiisa.

Bebe, oo 22-jir ah, ayaa markii hore ka soo tagat waddanka Turkis-ka gaar ahaan kooxda Besiktas bishii June 2011.

Dhowr kulan ayuu u ciyaaray kooxda Besiktas ka hor inta uusan ku dhaawacmin ciyaaraha 21-jirada ee waddankiisa u cayaarayay, Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here