Manchester United iyo Chelsea oo xalay lagaraacay

Manchester United ayaa guuldarro xanuun leh ay ka soo gaartay kooxda garoonkeeda ku adag ee Norwich City kuwaasoo Red Devils ku dubatay gool iyo waxba.

Manchester United oo kulankaan ka hor uu cadaadis saarnaa madaama Manchester City ay 5-0 kaga soo badisay Aston Villa, ayaa qeybtii hore ee ciyaarta waxa ay iska qasaariyeen fursado qaar, iyadoo labada kooxood ay ku kala nasteen barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayay u suurogashay kooxda Norwich City inay hogaanka ciyaarta qabtaan daqiiqadii Pilkington ayaana madax ku dhaliyay kubad karoos ah uu soo dhigay Garrido.

Pilkington ayaa waxaa iska fasaxday Manchester United isagoo da’ yar waxaana Ferguson uu qirtay isbuucaan inuusan xusuusan isaga.

Todobo kulan kale oo horyaalka ah xili ciyaareedkan ayaa Manchester United gool looga hormaray, inkastoo ay badiyeen shan ka mid ah.

United ayaa weeraro qaaday si ay u helaan goolka barbaraha, laakiin waxba kama aysan bedelin natiijada ciyaarta.

Norwich ayaa dhamaadkii ciyaarta heshay fursad kale oo qaali ah ka dib kubad counter-attack oo ay heleen, iyadoo fursadii uu ka qasaariyay Howson oo banaanka marsiiyay.

United ayaana laga badbaadiyay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta kubad madax aheyd.

Guuldarada soo gaartay Manchester United ayaa waxa ka dhigeysaa inay u soo dhacaan kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka iyagoo leh 27 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka hooseeyaan kooxda hogaanka qabatay isbuucaan ee Manchester City.

 Chelsea oo iyadana lagaraacay:

kooxda Chelsea ayaa guuldarro 2-1 ah ay ka soo gaartay kooxda West Brom oo marti ay u ahaayeen, waana garoonkii looga badiyay xilli ciyaareedkii hore ee keenay in Chelsea ay ceyriso tababaraheedii hore Andre Villas-Boas.

Kooxda Chelsea ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii 10aad markii West Brom uu hogaanka u dhiibay Shane Long.

Laakiin Chelsea ayaa barbaraha heshay ka hor dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ka dib gool uu u saxiixay xiddigooda reer Belgium Eden Hazard. Waxaana qeybtii hore lagu kala maray barbaro 1-1 ah.

West Brom ayaa bilowgii qeybta labaad ku soo laabatay hogaanka ciyaarta, ka dib markii Peter Odemwingie uu kubad dabamariyay goolhaye Petr Cech.

Guuldarada ka soo gaartay Roberto Di Matteo kooxdiisii hore ayaa ka dhigeysa in Chelsea ay baaqi ku sii ahaato kaalinta 3aad iyagoo leh 24 dhibcood.

West Brom ayaana booska kaalinta afaraad kala baxday kooxda Everton iyagoo leh 23 dhibcood, hal dhibic ayayna ka danbeeyaan kooxda Chelsea. Everton ayaa u dhacday kaalinta shanaad ka dib guuldarro 2-1 oo ka soo gaartay Newcastle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here