Manchester City oo xoojisay hogaaminta horyaalka Ingiriiska + Sawiro

Kooxda Manchester City ayaa kordhisay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League kadib marki ay xalay 3-0 ku suuldaartay naadiga Blackburn.

City waxa ay guushaasi ku heshay si fudud waxaana ay u suura gelisay in ay shan dhibcood oo nadiif ah hada ka sareysaa kooxda kusoo xigto ee Manchester United oo Norwich.

Goolka koowaad waxaa City siiyey Mario Balotelli oo kulamadi ugu danbeeyey ganaax ku maqnaa waxaana usoo baasay Aleksandar Kolarov.

Waxaa xusid mudan in marki uu goolka dhaliyey Mario uu dibada usoo saaray funaanad hoose oo ay ugu qorneyd magaca gabadha uu jecelyahay ee Raffaella.

Goolka labaad waxaa ku hubsaday shabada Sergio Aguero, halka goolka sadexaadna uu saxiixay Edin Dzeko oo lagu badalay Balotelli.

Ciyaaraha kalana kooxda Chelsea ayaa heshay guushi ugu horeysay kadib shan ciyaarood, waxa ay 3-0 ku dardartay naadiga Bolton.

Goolasha waxaa u kala dhaliyey kooxda Chelsea   David Luiz, Drogba iyo Lampard.

Natiijooyinka kalana waxay kooxaha isu arkeen sidan:
Sat 25 Feb 2012 – Premier League

Chelsea 3 – 0 Bolton
Newcastle 2 – 2 Wolves
QPR 0 – 1 Fulham
West Brom 4 – 0 Sunderland.

Maanta kooxaha waxay isu arki doonaan sidan:
Arsenal v Tottenham
Norwich v Man Utd
Stoke v Swansea .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.