Manchester City oo wada-hadal kula jirta Pellegrini

Tababaraha kooxda Malaga, Manuel Pellegrini ayaa loo badinayaa in uu ku biiro kooxda Manchester City  in kastoo warkaas uu yahay mid aan wali la shaacin.

59-jirkan aya noqday dooqa koobaad ee kooxda City, si uu badalo macalinkii horre Roberto Mancini, kaasoo laga ceyriyay kooxda labo kulan oo ka harsan horiyaalka Ingiriirka Premier League  horaantii bishan May.

Pellegrini ayaa horrey loo sheegya in uu ka tagayo kooxda Malaga  laakin heshiiskiisa waxaa ka dhiman hal xili ciyaareed.

Mar uu la hadlaayay saxaafaddu wuxuu yiri “ haa xiriir fiican ayaa igala dhexeeya kooxda Manchester City waxaana ka mid ahay raga ay raadineyso.” Pellegrini ayuu u sheegay dadka wararka fidiya..

59-jirkan ayaa si degdeg ah uga mid noqday macalimiinta sida wayn looga rabo garoonka Etihad Stadium  ka hor inta uusan billaaban xilli ciyaareedka na soo aadan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here