Manchester City oo la wareegtay hoggaanka Premier League

Manchester City oo la wareegtay hoggaanka Premier League
Manchester City oo la wareegtay hoggaanka Premier League

Manchester City ayaa si kumeel gaar ah ula wareegtay hoggaanka Premier League, kaddib markii ay adkaatay kooxda Tottenham.

Sergio Aguero, Edin Dzeko, Yaya Toure. Stevan Jovetic & Vincent Kompany ayaa u dhaliyay shanta gool ee lagu xaqaay Spurs-ka habeenkii xaley.

Cayaarta oo ka dhacday garoonka White Hart Lane, waxa ay Man City u muuqatay mid dhinac kasta ka awood leh, waayo cayaarta maamulkeeda ayey heesatay ilaa inta ay ka dhammaaneysay.

Danny Rose ayaa banaanka loo saaray kaddib uu qalad ku galay Edin Dzeko, siddoo kale Yaya Toure ayaa ka dhexmuuqday cayaarta.

Tababbarre Manuel Pellegrini ayaa habeenkii xaley qaatay go’aan ka duwan kuwii horre si uu uga adkaado Spurs.

Man City ayaa ka faa’ideesatay barbardhac Arsenal ay la gashay Southampton,oo labada koox ku cayaaray garoonka St. Mary’s Stadium.

Sidoo kale, Chelsea aya barbardhac la gashay kooxda Sidelined West Ham United, taasoo ka dhigan in ay ku jirto weli kaalinta 3-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here