Manchester City oo ku garaacday Man United kulanki Derbiga hogaankana qabatay

Manchester City ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League dalka Ingiriiska kadib marki ay iska reebtay kooxda cariirga ku heysay ee Manchester United kadib marki ay ku garaacday 1-0.

Gool uu ka dhaliyey ilbiriqsiyadi ugu danbeysay ee qeybti hore Vincent Kompany ayaa City siiyey guusha kadib marki ay Man United soo daba galeen iyaga oo sideed dhibcood ka hooseeyey todobaadyo ka hor haatana la dhibca ah waloow ay hogaanka uga hayaan farqiga goolasha.

City waxay u baahneyd guul, halka kooxda uu leyliyo macalin Sir Alex Ferguson uu aad u doonayey bar baro si uu hal dhibic uga sara maro ciyaartooyda macalin Roberto Mancini, taasina waxay ka muuqatay habka uu usoo xushay ciyaartooydiisa isaga oo afka hore soo dhigay Wayne Rooney oo go,doon ku noqday.

Ciyaarta United waa loogaga gacan sareeyey waxaana inta badan maamuleysay City weyna u qalantay sadexda dhibcood ee ay duubatay, iyadoo kulanki xalayna lagu tilmaamay kii ugu adkaa ee labada dhinac oo ka wada dhisan magaalada Manchester dhexmara 20-ki sano ee lasoo dhaafay.

Hada labada kooxoodba fursado ayey u leeyihiin in ay qaadaan horyaalka oo ay ka harsanyihiin laba ciyaarood, kooxda Macalin Mancini ayaase uga dhaw dhalinyarada tababare Ferguson, waayo hadii ay badiyaan City kulamada ay la kala ciyaari doonaan labada asbuuc ee soo aadan kooxaha Newcastle United iyo kulanka ugu danbeeya ee ay ku marti gelin doonaan gurigooda kooxda Queens Park Rangers waxay u dabaal dagi doonaan horyaalkoodi ugu horeeyey tan iy xilli ciyaareedki 1967-68.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.