Manchester City Oo ka faa’ideysan weydey guuldaradii United kadib markii iyadana laga badiyey maanta.

Kooxda Man City oo ay isku dhibco ahaayeen Man United oo shalay laga badiyey ayaa ka faa’ideysan weysey guuldaradaas waxaana kooxda Sunderland ay ugaga badisey City 1-0.

Ciyaarta ayaa badankeed waxa ay ahayd mid barbaro loo fishey inay ku dhamaato, Mancini ayaa laacibiintiisii cusleyd keydka geliyey isagoo aanba garoonka keenin Balotelli.

Waxayna taasi dhalisey in gool contre attack ah kooxda Sunderland ay ugaga badiseo weliba ay dhaliso sakinkii ugu dambeeyey ciyaarta iyadoo ciyaartu sagaashankii daqiiqo ku dhamaatay gool la’aan ayaaa saddex daqiiqo oo lagu daray daqiiqadii u dambaysay uu gool u dhaliyey kooxda Sunderland laacibkooda Ji Dong-Won.

 

Kooxda Sunderland ayaa ku guuleysatay saddex kamid ah shan kulan oo uu tababarayay macalinkan cusub ee  O’Neill, iyadoo waqti dambe guusha  keensanaysay, naadiga Sunderland ayaa waxaa uu kaga jiraa kaalinta 13aad kala horeynta kooxaha horyaalka Premier League.

Roberto Mancini ayaa maanta bedelay lix ka mid ah kooxdii barbaraha gashay toddobaadkii hore waxaana kamid ahaa David Silva iyo Sergio Aguero oo keydka geliyey iyo Mario Balotelli oo gebi ahaanba laga soo tegey kulankan.

Horyaalka Ingiriiska ayaa xiiso sii yeelanaya iyadoo kooxihii waaweynaa laga badiyey toddobaadkan halka qaar kalana ay barbaro galeen. Kooxda Man City ayaa kulankeeda soo socda oo uu is lahaa Mancini laacibiinta ha kuu sii nastaan waxa uu la ciyaarayaa kooxda Liverpool.

Kulan kale oo isna xiiso lahaa ayaa waxaa wada kulmay kooxaha West Brom iyo Everton kulankan ayaa intii badneyd waxaa uu ahaa mid labada kooxba ay dadaaleen balse ciyaarta oo saddex daqiiqo ka dhiman tahay ayaa ciyaaryahanka Everton ee Victor Anichebe uu gool qurux badan ka dhaliyey. Waxayna ciyaarta ku soo gabgabawday 1-0 oo ay kooxda Everton ku badisey.