Manchester City oo guul weyn gaartay

Man City oo guul weyn gaartay
Man City oo guul weyn gaartay

Goolal ka kala yimid Fernandinho, Yaya Toure iyo Aleksandar Kolarov ayaa hubaal ka dhigay seddex dhibcood oo dhiciisa maray tababbarre Manuel Pellegrini kaddib markii uu guushii ugu horreeyay ka gaartay garoonka Liberty Stadium.

Manchester City ayaa dib ugu soo laabtay hoggaanka horiyaalka ka hor inta ay soo dhammaan cayaartii Arsenal iyo Cardiff City taasoo ku dhammaatay2 iyo 0.

Dhinaca kale, Manchester United ayaa laga adkaaday markii garoonkeeda ay ku gaartay Tottenham Hotspur .

Man United waxaa goolasha ka kala dhaliyay E. Adebayor iyo C. Eriksen, halka gool kalka ay heshay Man uu u ansixiyay D. Welbeck.

Cayaaraha kale waxaa ka mid ah Liverpool oo guul kale gaartay markii ay la cayaartay Hull City, goolasha labada ah waxaa u kala dhaliyay D. Agger iyo L. Suárez.

Horiyaalka waxaa hadda hoggaanka u heysa kooxda Arsenal oo leh 45-dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here