‘Man Utd waa koox adag’ – Robben

'Man Utd waa koox adag' - Robben
‘Man Utd waa koox adag’ – Robben

Arjen Robben ayaa ka hadlay kulanka lugta horre ay la cayaari doonaan habeenka Talaadada kooxda Manchester United.

Wuxuu sheegay Red Devils ay weli adag tahay oo xittaa iyadoo uu ka maqan yahay Sir Alex Ferguson oo saqada isaga tagay xagaagii la soo dhaafay.

Bayern Munich ayaa la cayaari doonta lugta horre wareega 3-aad ee horyaalka Champions League kooxda  Manchester United.

Kooxda uu macallinka u yahay David Moyes ayaa ku jirt kaalinta 7-aad ee horyaalka Ingiriiska ee Premier League waxaana afarta koox ee ugu horreeya hoggaanka ka hooseesaa 10 dhibcood.

Xiddiga reer Holland ayaa sheegay in kooxda Man United aaney la yareesan karin sidda uu yiri, isagoona tusaale ugu soo qaatay cayaartii kooxda United guul-daro kala kulantay Olympiakos oo 2 looga adkaaday balse markii gurrigeeda lagu cayaarayay ay u dhiibtay kooxda Greek 3 iyo 0

“Cayaartaas waxa ay ahayd mid xiiso badan, in kastoo Manchester United si fiican u qaabeesneen haddana waa koox adag ah,Waxaan u baahanahay in aan iska ilaalino kooxda oo dhowrka daqiiqo ee horre aan boobsiino maxaa yeelay United waa koox halis ah.” ayuu yiri Robben.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here