Man Utd, Chelsea, Liverpool oo baadi goob xooggan ugu jira Carlos Mane

Cayaaryahanka da’da yer ee kooxda Sporting Lisbon Carlos Mane ayaa soo jiitay kooxo badan oo caan ka ah dunidda, markii lagu qancay cayaaraha uu soo bandhigay.

Xiddiggan kooxo badan oo ka dhisan waddanka Portugal ayaa sidoo kale doonaya in ay la soo wareegaan.

Laakin waxa aad looga baahan yahay waddanka Ingiriiska sida Manchester United iyo Liverpool kuwaasoo si wayn u daneenaya cayaaryahankan reer Portugal.

Waa ciyaar yahan da’yer oo aad looga helay ciyaaraha uu ka qaybgalo.

Sidoo kale Manchester City iyo Chelsea ayaa damac uu ugu jiraa Mane , waxana mid kasta uu miiska u saaray kooxda Sporting illaa £8-million.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here