Man United waa weli koox adduuyada ka muuqata- Moyes

Man United waa weli koox adduuyada ka muuqata- Moyes
Man United waa weli koox adduuyada ka muuqata- Moyes

David Moyes ayaa qiray in Manchester United aysan wax wal ah ka qabin in ay ka mid noqoto kooxaha ugu liita horiyaalka, wuxuuna weli uu ku adkeesanayaa inay kooxda tahay kooxda ugu weyn adduunka.

Kooxda difaacaneysa horiyaalka Premier League ayaa khatar ku jirta in markii ugu horreysay ay seegto ka qaybgalka cayaaraha Champions League, balse maamulaha kooxda wuxuu waxaan dareemayaa weli in ay kooxda mid wanaagsan.

“Manchester United ma ahan in ay tahay kooxda ugu wanaagsan dalkan balse waa siddoo kale kooxda ugu wanaagsan adduunka,” Moyes ayaa siddaas laga xigtay mar uu warramay the Daily Mirror.

“Natiijooyinka qaar sidda aad u rabto uma dhacaan balse anniga waxaan dareemayaa in wax kasta ay dhici kraan.”

Moyes ayaa siddoo kale bishan January in uu kooxda keeni doono dhowr cayaartoy oo uu ku xoojinaayo kooxda ka dhisan garoonka  Old Trafford waxaana ka mid ahLeighton Baine in kastoo warar ay qoreen wargeysyada ay lee yihiin waxaa uu ku dhow yahay in uu heshiis cusub la gaaro Everton.

Man United ayaa hadda diyaar la ah  £250 million si ay kharash gareyso afarta toddobaad ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here