Man United 0 Stoke 2: 5 waxyaabood oo laga bartay kullankaan+Sawiro

Kooxda Man United guuldaradii 4-aad oo xariir ah ayaa ku dhacday dhamaan tartamada kala duwan sidoo kalena macalin Luis Van Gaal waxaa kusii badanaayo cadaadis xoogan.

STOKE_V_MANU_main_2617091a

Hadaba Man United kulankii ay safar cayaareed u tagtay garoonka Britania waxaa 2-0 ugu awood sheegatay naadiga Stoke City waxaana naadiga Stoke guushan qaaliga ah siiyeen Bojan iyo Mark Arnautovic oo qaybtii hore goolasha dhaliyeen.

Hadaba wargeska The Mirror ayaa ka qoray 5-arimood oo lagu soo koobay jabkii Man United ay kala kulantay kooxda Stoke City iyo casharkii laga bartay:

  1. 1) Xaqiiqdii Ma Jirto Sabab Uu Van Gaal Kusii Leylin Karo Man United Kulamadeeda Xiga
    2) Wayne Rooney Hada Kadib Masii Ahaan Doono Hogaamiyaha Kooxda Man United Madaama Kulankii Stoke City Keydka La Galiyay
    3) Qaladaadka Ay Xidigaha Man United Galayaan Waa Mid Kooxdan Awoodeedii Sii Wiiqayo Todobaad Walbo
    4) Marko Arnautovic Waa Xidig Halistiisa Wato Sidoo Kalena Kooxaha Waa Weyn Dhulka Ku Jiidayo Xili Cayaareedkan
    5) Man United 7-kulan Ee Ugu Dambeesay Wax Guul Ah Ma Arkin Haatana Halis Waxay Ugu Jirtaa Loolanka Booska 4-aad Inay Isaga Harto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here