Man City oo shan bil kadib weysay hogaanka horyaalka Ingiriiska

Kooxda Manchester City ayaa waxa soo gaaray mid ka mid ah qasaarihi ugu xumaa ee xilli ciyaareedkan kadib marki ay shalay 1-0 ku lumisay kooxda Swansea City ciyaar ka tirsaneyd horyaalka dalka Premier League.

Guuldaradaasi ayaa ka dhigtay in City ay ka dhacdo hogaanka horyaalka oo ay soo daadihineysay mudo shan bilood, waxaana ka faa,ideysatay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City oo 2-0 ku badisay.

Goolka guusha waxaa Swansea u saxiixay ciyaaryahanka badalka kusoo galay ee Luke Moore kaasi oo madaxa la helay ciyaarta oo ay ka harsaneyd todobo mirir.

Manchester City, waxay haatan hal buundo ka hooseysaa kooxda Manchester United oo garaacday West Bromwich Albion, labada gool ee ay United ku badisay waxaa u dhaliyey Weyne Rooney oo goolka labaad ku saxiixay rigoore.

Ciyaaraha kala ee horyaalka ee shalay la ciyaaray kooxaha waxay isu arkeen sidan:

Man Utd 2 – 0 West Brom

Swansea 1 – 0 Man City
Norwich 1 – 1 Wigan.