Man City oo rabta xiddiggaha Neymar iyo Kaka

Madaxa Manchester City Txiki Begiristain ayaa sheegay in kooxda Ingiriiska ka dhisan ay daneeneyso siddii ay ula soo wareegi lahayd xiddiggaha reer Brazil ee kala ah Neymar iyo Kaka.

Wargayska The Sunday Mirror ayaa qoray naadiga heesata horiyaalka the Premier League champions ay garwaaqsaday siddii ay ula soo wareegi lahayd xiddiggo u dhashay waddanka ku yaalla  koonfurta  America, si ay xiddiggo caan oo dunnida laga yaqaano.

Kooxda ayaa ku tala jirtay in ay furto xarun cusub oo Academy taasoo lagu wado in daaha laga rogo sannadka 2014-ka.

Kooxda Man City : “Waa ay yaqiinsan tahay in xiddiggo muhiim ah ay ku sugan yihiin South America kuwaasoo ah kuwa caan ka ah dunidda, kubaddoodana ay fiican tahay.

“Cayaartoyda sida Aguero, Zabaleta iyo Tevez waxa ay gaarsiiyeen kooxda guulo , laakin waxan u baahannahay cayaaryahano kale oo aan la soo wareegno oo da’yer, awoor ayaan u lee nahay in aan horrumarino kubaddeena.”ayuu yiri Txiki Begiristain maamulka kooxda Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here