Man City oo ku dhow in ay ku guulaysato horyaalka

Manchester City ayaa 4 iyo 0 uga adkaatay Aston Villa, cayaar ka dhacday Etihad Stadium.

Goolasha Man City waxaa labo kamid ah dhaliyay Edin Dzeko.

Guushan waxa ay shaki ahaan hubaal ka dhigeysaa in uu macallin Pellegrini ku guuleesan doono horyaalka Ingiriiska.

Cayaaryahanka reer Bosnia ayaa si wayn uga dhex muuqday cayaarta, waxaana goolasha kale dhaliyay Stevan Jovetic iyo Yaya Toure.

Sidda ay lee yihiin xeeldheerayaasha cayaaraha, Man City markii labaad ayey ku guuleesan doontaa horyaalka Premier League title.

Liverpool oo markii la islahaa waa ay ku guuleesan doontaa horyaalka markii ugu horreysay dhowr iyo labaatan sanno, arrintaas waxaa kala dhan taalay Crystal Palace oo Isniintii ay ku kala baxayn 3 iyo 3.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here