Man City iyo Arsenal oo isku heysta Hazard

Afar maalin kadib marki ay Man City garaacday Arsenal ayey hada rabtaa in ay ku garaacdo saxiixa kubad sameeyaha kooxda Lille ninka la yiraahdo Eden Hazard.

Sida uu maanta qoray wargeyska Talksport, Man City ayaa ku rabto xidigaan u dhashay dalka Bilguim lacag dhan £30m waxaana aad ay u rajeyneysaa in ay hesho marka la gaaro bisha Janaayo.

20 jirkaan sida weyn loo saadaalinayo inuu tagi doono horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa horay ugu daba jirtay kooxda Arsenal taasi oo ku dhacday in xagaagi lasoo dhaafay ay la wareegto marki ayku adkaatay lacagta dul saarneyd laacibkaan.

Hazard marnaba muusan qarinin inuu rabo inuu ka tago kooxda Lille xilli ciyaaraadkaan marka uu dhamaado.