Man City 2-1 Chelsea

Kooxda Manchester City ayaa kusoo dhawaatay naadiga Manchester United kadib marki ay xalay guul qaali ah ka gaartay kooxda Chelsea oo ay 2-1 ku garaacday.

Inkastoo ahmiyadi kulanki xalay ay taageerayaasha u aheyd sadexda dhibcood, hadana sheekada xiisaha leh ayaa ah iyadoo uu kooxda marki ugu horeysay u saftay Carlos Tevez mudo bilooyin ah oo uu caro iyo ganaax ku maqnaa.

Tevez oo badal kusoo galay ciyaarta ayaa dhiibay goolki guusha oo uu saxiixay Samir Nasri taasi oo suura gelisay in City ay haatan hal dhibic oo qura usoo jirsato hogaamiyaasha horyaalka ee Manchester United.

Maalmo ka hor dhalinyarada Roberto Mancini waxay afar buundo kor u fiirinayeen United, waxaana xalay aad uga sii naxsaday daafaca Chelsea Gary Cahill oo qeybti labaad ee ciyaarta gool uga naxsaday.

Iyadoo xaalku halkaasi marayo, ayuu tababaraha garoonka soo dhex qotomiyey Tevez oo aanan safan tan iyo bishi September, markaasi oo ay isku dhaceen macalinka kadib marki uu diiday inuu badal ku galo kulanki Bayern Munich ee dalka Germany.

Marki uu soo galay Carlos waxa uu xasuusiyey City waxa ka maqnaa naadiga iyo waxa u la maqnaa mudadi uu banaanka jiray, kadib dadaalo ay muujiyeen xidigaha kooxda ayey ku heleen goolki bar baraha oo uu dhaliyey Sergio Aguero daqiiqadi 78-aad.

Ciyaarta oo ay ka dhineyd shan daqiiqo ayuu Tevez u sharaxay kubad saaxibkiis Nasri, waxaana uu arkay Samir Nasri oo firaaqo heysta kubad ayuuna u baasay kadibna sidaasi ku dhaliyey.

Guusha City waxay aheyd tii 20-aad oo xiriir ah oo ay ku gaareyso garoonkeeda Etihad Stadium, waxayna noqotay kooxdi afraad taariikhda horyaalka Ingiriiska oo 20-kulan oo xiriir ah gurigeeda ku badiso.

Waxaa sidaasi horay usoo sameeyey kooxaha Liverpool, Newcastle United iyo Preston North End.

City waxa ay dooneysaa in ay qaado horyaalka Ingiriiska oo ay ugu danbeysay xilli ciyaareedki 1967/68.