Man Chester Un oo koobka horiyaalka Ingiriiska gacanta loogaliyay iyo Sir Alex Ferguson oo kooxda macsalaameeyay

Kooxda Man Un ayaa xaley si rasmi ah gacanta loo galiyay horoyaalka Ingiriiska ee Premier League, markii dhawaan ay ku guuleesatay koobkii 20-aad.

Kooxda ayaa xaley 2 iyo 1-, waxa ay kaga adkaatay kooxda Swansea oo ka mid ah kooxaha horiyaalka ugu hooseeya.

Manchester United ayaa koobka kula dabaal degtay iyadoo joogta garoonkeeda Old Trafford , waxaana goolasha labada u dhaliyay Hernandez iyo Ferdinand.

Rio Ferdinand waa goolkiisii ugu horeeyay ee u dhaliyo muddo shan sanno kaddib, waxaana guushaas ay hubanti ka dhigtay in tababar Ferguson ay u noqotay in uu ka qaybgalo ciyaartiisii 723-aad waana riyo in mudda ah ku taamayay.

Sir Allex Ferguson ayaa ciyaaraha ka fadhiistay 26-sanno oo uu maamula u ahaa kooxda Man Un.

Waa koobkii 13-aad ee tartanka Premier League oo u qaado tababarraha reer Scottish-ka kooxda inta uu la joogay.

Kooxda ayuu shaley kula dabaal degay garoonkeeda 71-jirkan, wuxuuna noqday tababarihi ugu guulaha badnaa ee soo mara dalka Ingiriiska

Dhinaca kale, waxaa isna ciyaaraha ka fariistay ciyaaryahanka da’da ah ee Paul Scholes kaasoo ciyaaray 498-kulan oo ka tirsan horiyaalka Premier League ,wuxuu dhaliyay 107 gool.

Sidoo kale, Tababaraha cusub ee kooxda David Moyes ayaa macsalaameeyay kooxda Everton iyo taageerayaasha Goodisin Back, wuxuu sheegay Mr. Moyes in uu ku faraxsan yahay guusha kooxda Everton, ka gaartay kooxda  West Ham oo 2 iyo 0 ku gaaraceen.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

David Moyes says goodbye to Goodison

Use accessible player and disable flyout menus

Cannot play media. You do not have the correct version of the flash player. Download the correct version

David Moyes says he is “delighted” with his final home match in charge of Everton, where they beat West Ham 2-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here