Mali:Mid kamid ah madaxda Al-qacida oo la dilay

Telefeshinka Al-nahar ee laga leeyahay wadanka Algeria ayaa sheegay in Ciidamada Faransiiska ay dileen C/xamiid Abuu Zeyd, oo kamid ah madaxda Al-qaacida, gaar ahaan wadamada waqooyiga Afrika, waxaana lagu dilay dagaal ka dhacay buuraha waqooyi ee dalka Mali.

Telefeshinka Al-nahar oo xiriir wanaagsan la leh qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada Algeria, ayaa sheegay in Abuu Zeyd iyo 30 kale kamid ah dagaalyahanada Al-qacida 3 maalin kahor lagu dilay dagaal kadhacay meel udhow buuraha waqooyiga Mali, ee lagu magacaabo “Adraar”.

Ciidamada Mali, kuwa Faransiiska iyo kuwa Chad, ayaa dagaalka horumar ballaaran ka sameeyay, kuwaasoo dhamaan dhanka waqooyi ee dalka Mali kasoo saaray dagaalyahanada xiriirka la leh Al-qacida, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay doowlada Algeria iyo Mali oo lagu cadeynayo dilka C/xamiid Abuu Zeyd.

Masuuliyiin u hadlay doowlada Faransiiska ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan gudaha Mali ay dileen ilaa 40 dagaalyahan, dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo “Taagaara”, laakiin kama aysan hadlin dilka Abuu Zeyd.

Abuu Zeyd, ayaa kamid ah xubnaha Al-qacida ugu fir fircoon ee ka dagaalama wadamada saxaraha waqooyiga Afrika, waxaana uu horay u ahaan jiray shaqsi tahriibiya dadka si sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here