Mali:Britain Oo Diyaarado Ku Taageertay Holwgalka France

Bayaan shalay galab kasoo baxay doowlada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Britain ay dhanka saadka ka taageeri doonto howlgalka uu Faransiiska kawado Mali, Britain ayaa ayaa soo diri doonta diyaaradaha waaween ee daabula Askarta iyo Saadka.

Ra’iisulwasaaraha dalka Britain Devid Camiron ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaarado dhanka saadka ah ugu deeqay howlgalka Mali, sidokale madaxweynaha wadanka France François Hollande, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Faransisika ay shalay duqeeyeen bartilmameedyo ay ku sugnaayeen kooxaha haysta waqooyiga Mali xiriirkana la leh Al-qaacida.

Warkaan kasoo baxay aqalka Downing Street, ee looga arimiyo boqortooyada Britain ayaa lagu sheegay in ay 2 kamid ah diyaaradaha xamuulka qaada loo diri doono Mali, kuwaasoo qayb ka noqon doona howlgalka lagu baacsanayo kooxaha Falaagada, laakiin majiri doonaan Ciidamo kasocda Britain oo qayb kanoqon doona dagaalka.

Afhayeen u hadlay RW Britain Camiron, ayaa sheegay in labada masuul ee dalalka Faransiiska iyo Britain wadahadal ay ku yeesheen dhanka Taleefanka ay isla afgarteen in wax laga qabto kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida ee kusii xoogeeysanaya Mali kuwaasoo Qatar ku ah danaha Caalamka iyo reer galbeedka.

Howlgalada wada jirka ah ay hada Mali kawadaan Faransiiska iyo Ciidamada doowlada ayaa qasaaraha waxaa lagu sheegay 111 qof dhimasho ah, kuwaasoo isugu jira.

1-Duuliye katirsan Ciidamada circa Faransiiska.

2-100, dagaalyahanada falaagada ah.

3-10, dadka rayidka ah.

Urur goboleedka Ecowas, ayaa loogu baaqay ineey 3,300 oo Askari si deg deg ah ugu soo diraan wadanka Mali, si ay qayb uga noqdaan howlgalada hada soconaya.

Mareeykanka ayaa ilaa iyo hadda isagana waxa uu ka fekerayaa gacanta uu ka geysan doono howlgalkan hada Mali kabilawday nuuca uu noqon doono, laakiin wasaarada gaashaandhiga Pentagon, ayaa sheegtay in dhinaca Mukhaabaraadka iyo Loojiistikada ay ka taageedi doonto Ciidamada Faransiiska.

Madaxweyne Hollande, talaabadan uu hada Ciidamadiisa ugu diray wadanka Mali ayaa noqoneeysa mid kamid ah tallaabooyinka ugu saameynta badan go’aanada arimaha dibadda waxaana uu taageero ballaran ka haystaa gudaha dalkaas iyo dibadaba.

Wasiirka difaaca France Jean-Yves Le Drian, ayaa sheegay in boqolaal kamid ah Ciidamadooda iyo diyaaradaha dagaalka ay weerar ku qaadeen 3 bartilmaameed oo ay ku sugnaayeen kooxaha mucaaradka waxaana kujira xaruuntii taliska ee kooxaha xiririka la leh Al-qaacida.

Howlgalka Soomaaliya:

Marka laga yimaado howlgalka uu Faransiiska kawado Mali, waxaa jirtay in habeen hore uu weerar guul dareystay Ciidamada Kumaandooska kusoo qaadeen degmada Buula-mareer, howlgalkaan oo qaatay 45 daqiiqo ayay Ciidamada Faransiisku ku doonayen ineey kusoo furtaan lahayste Allex Dennis oo mudo 4 sano ah gacanta ugu jiray Al-shabaab.

Ciidamada howlgalkaan sameeyay ayaa isku daygooda fashilmay waxana taas kasii darnaa ineey goobta kaga carareen laba kamid ah Askartooda oo midna dhintay midna nolosha looga haayo sida ay sheegteen Al-shabaab.

Dhanka kale war shalay galinkii danbe kasoo baxay doowlada Faransiiska ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay dileen lahayste Allex Dennis intii uu socday howlgalkii habeen hore kadhacay degmada Buula-mareer oo 70km dhanka koofureed kaxigta magaalada Muqdisho.

Doowlada Faransiiska ayaa sheegtay in weerarka habeen hore uu yimid kadib markii ay bur bureen wadahadalo socday mudo 3 sano ah tasoo markii danbe laysku mari waayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here