Malez Zanawi oo maanta la aasayo iyo madaxda aduunka oo kusii qulquleysa

Hogaamiyaasha Africa ayaa isugu soo aruuray magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan aaska hogaamiyihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi, kaasi oo dhintay bishi lasoo dhaafay. Dad badan oo magac ku leh aduunka ayaa kusoo biiraya dadka caadiga ah ee Itoobiya si ay ugu murugoodaan maalinti ugu danbeysay ee Males meydkiisa uu yaalo qasriga madaxtooyada. Mr Meles ayaa dhintay isaga oo 57 jir ah isbitaal ku yaala magaalada  Brussels kadib xanuun kusoo booday. Awooda dalka ayuu qabsaday sanadki 1991 waxaana lagu xasuustaa horumarka xaga dhaqaalaha iyo dismaha ee uu dalkiisa gaarsiiyey, laakin dadka naqdiyaa waxay ku eedeeyaan inuu ku tuntay xuquuqda aadanaha. Munaasabada aaska ayaa ka bilaabatay fagaaraha Meskel Square ee magaalada waana marki ugu horeysay mudo 80 sano oo madaxweyne ama hogaamiye Itoobiya loo baroor diiqo, booskiisa waxaa la wareegay ku xigeenkiisa. Madaxda joogta waxaa ka mid ah madaxweyne Sheekh Shariif, madaxweynaha Puntland Faroole iyo madaxweynaha Somaliland Siilaanyo. Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here