Maleeshiyaadka deegaanka Buuhoode oo dib ula wareegay iyo ciidanka Somaliland oo dib u gurtay

Maleeshiyo beeleedka dagaalka la galay saakay ciidamada maamulka Somaliland ayaa dib u qabsaday magaalada Buu-Hoodle kadib marki barqadi maanta dagaal loogaga saaray.

C/rasaaq Xaaji Bakeyle oo ka mid ah gudiga maamula magaalada Buu-Hoodle ayaa u sheegay BBC-da in ay jab xoog leh gaar siiyeen ciidanka maamulka Somaliland isla markaana ay hada dib ula wareegeen.

Dhankooda wuxuu sheegay in laga dilay 4 ruux balse ay qasaaro xoog leh gaar siiyeen ciidamada Somaliland oo iyagu weerarka soo qaaday.

Wuxuu ku eedeeyey in ay dad rayid ah laayeen sidoo kalana ay madaafiic ku gubeen guryo iyo hanti dadka ay leeyihiin.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali laga dareemayaa magaalada waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa dadka oo intiisa badan ka barakacay magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.