Malaysia oo u gacan gelisay dowlada Sacuudiga nin aflagaadeeyey Nabi Muxamed (SCW)

Dowlada Malaysia ayaa masaafurisay wariye u dhashay dalka Sacuudi Carabiya oo caayey Nabi Muaxamed (NNKH) kadib marki ay ka dalbatay boqortooyada Sacuudiga.

Booliska ayaa xaqiijiyey in Hamza Kashgari dib loogu celiyey Saudi Arabia maanta oo Axad aheyd inkastoo hey’adaha xuquuqda aadanaha ay codsadeen in aanan la gacan gelinin.

Mr Kashgari ayaa todobaadki hore ku shaaciyey bogiisa Tiwitter weero uu ku aflagaadeeyey Nabi Muxamed (NNKH) markaasi kadibna waxaa jawaabo aad u caro badnaa ka bixiyey ilaa iyo 30,000 oo ruux kuwaasi oo intooda badan ugu hanjabay in ay dili doonaan.
In la caayo Nabigeena ayaa waxa qofka uu ku muteysanayaa in uu diinta ka baxay dilkiisana uu banaanyahay, waxaana aad loo saadaalinayaa in dowlada Saudi Arabia ay ku ciqaabi doonto dil toogasha ah.

Mr Kashgari, oo ah 23 jir ayaa ka cararay Sacuudiga marki uu raali gelin kabiyey balse laga aqbali waayey, waxa uu tagay caasimada Maleysia ee Kuala Lumpur Khamiisti.

Waxa lagu heysto ayaa aheyd isaga oo yiri, waxaan ka shakisanahay dhalshada Nabigeena, waxaan hadalkiisa ay ku tilmaameen culimada Sacuudiga mid sharaf dhac ku ah diinta Islaamka.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. A.c madaxa kajara dheh ruux nabigeena aflagaadeeyay waxba nooma reeban hadaan nabigeena u aarin maxaan ka nool nahay ?

Comments are closed.