Malaaq lagu dilay Baydhabo

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Baydhabo nin ka mid ahaa malaaqyada laga yaqaano deegeenaada Bay iyo Bakool.

Sida ay wararku sheegayaan dilka ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha Baydhabo waxaana ragi dilay oo dhalinyaro ahaa ay u baxsadeen dhanka xaafada Bardaale oo ka mid ah meelaha ugu qaska badan xiligaan magaalada Baydhabo.

Dilkaan ayaa imaanaya xilli sarkaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada Baydhabo, Gen. John uu sheegay in ay wax ka qabanayaan amaanka magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa amaankeeda haatan gacanta  ku haya ciimada Itoobiya iyo kuwa Dowlada KMG Soomaaliya, waxaa kale oo jooga ciidamo ka socda AMISOM oo hor dhac ah, hase yeeshee kuwaasi wali magaalada laguma wareejin.

AMISOM ayaa la filayaa in ay la wareegaan amaanka Baydhabo marka lasoo dhameystiro 2,500 askari oo Ugandes ah oo la wareegi doona guud ahaan magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.