Maktabadii Ummada oo dib loo furayo

20131219635230395948576044DSC00159Heritage, oo ah Machadka daraasaadka siyaasadda, ayaa maanta ku qabtay Muqdisho munaasabad ballaaran oo ahayd mid dib loogu soo nooleynayo maktabaddii Qaranka Soomaaliyeed oo 22-kii sano ee lasoo dhaafay burbursanayd.

Maxamed C/qaadir oo ah guddoomiyaha guddiga dib u soo nooleynta maktabadda Qaranka ahna agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadan ay wax ka bedeli doonto waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, ayna ka heli doonaan xarunta buugaag casri ah.

Sidoo kale, C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka oo isna ka hadlay halkaas ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay howshan dib loogu soo noolaynayo maktabadda ee uu wado machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, uuna ugu hambalyenayo sida wanaagsan oo ay u hindiseen in la nooleeyo maktabadda ummadda oo lagu ilaaliyo dhaqanka iyo waxyaabaha taariikhiga ah.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa lasoo bandhigay filim looga hadlayay dib u soo noolaynta maktabadda ummadda oo ku taala agagaarka tiyaatarka Qaranka oo faa’iido u leh dadka iyo dalka, taasoo uu ka muuqday burbur xooggan, waxaana dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda ay aad ugu riyaaqeen filimka.

Maktabadii Ummada Soomaaliyeed, ayaa 22kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ahayd mid bur bursan oo hooy u noqotay Qoysay Soomaaliyeed, waxaana hadii mashruucaan uu hirgalo ka faa’iideysan doona Arday farabadan oo wax ka barta Jaamacadaha Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here