Majmaca Ictisaam Oo Bayaan Kasoo Dilkii Shiikh C/qaadir iyo Al-shabaab

Jamaacada Al-Ictisaam Bilkitaab Wassunnah, ayaa ugu horeyn waxay tacsi u direen eheladii uu ka geeriyooday ALLAHA unaxariistee Shiikh C/qaadir nuur Faarax “Gacameey” oo Jimcihii lasoo dhaafay  5-04-1434H / 15-02-2013 isaga oo ku jira salaadddii casar lagu dilay masjidka Beder oo ku yaal magaalada Garoowe.

Bayaanka majmaca Culimada Ictisaam ayaa u dhignaa sida tan:

1. Sheekha Ninka dilay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bille Yuusuf oo dadweynaha reer Garoowe qabteen ka dib markii uu dhaawacay Saddex Qof oo kale waxaa caddaatay in uu ka mid yahay ururka Alshabaab, ururkaas oo horay u gaystay qaraxii Shaamow, Hargaha iyo Saammaha iyo Ardaydii Turkiga u socotay, una dilay Alle ha u naxariistee Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan, Dr. Maxamauud Cabdi Ibraahir (Gadhweyne), Dr. Axmad C/laahi (Waayeel) Prof. Ibraahim Caddow, Sh. Abuukar Xuseen, Sh. Maxamad Tahliil iyo culimo iyo waxgarad kale oo aad u badan oo ummadda Soomaaliyeed ka mid ah, qiimowayna ugu fadhiyey ummadda Soomaaliyeed.

2. Dilkan masjidka dhexdiisa ka dhacay iyada oo salaad lagu jiro iyo qofka la dilay oo ah sheekh C/qaadir oo ah caalim diinta faafinteeda ku cirroobay oo ahaa maanta qofkii la ciseyn lahaa, wuxuu caddayn u yahay in dadka danbigaas foosha xun fuliyay ee maleegay ay yihiin dad ka fog dhaqankii islaamka, ee xurmada u yeelay masaajidda, salaadda iyo culimada geeridooda ummaddu u indho-beeleyso.

3. Sh. C/qaadir iyo culimadii kale ee ka horreysey ee firqadani laysay waxaa lagu dilay iyaga oo har iyo habeen u taagan caddaynta xaqqa kuna sabraya, taasoo ah waddadii lagu dilay nebiyo Alle soo diray, saxaabo, saalixiin iyo ducaad badan oo iyaga uga horreeyey waddadan. Sidaa awgeed waxaan ummadda xusuusinaynaa in firqiyoon Alshabaab oo kale ah ay gacantooda ku dileen khulafadii Nebi Maxamed laba ka mid ah – Cusmaan iyo Cali Alle raali haka noqdee. Ducaadda iyo culimada kalana waxaan xusuusinaynaa inay wadaddaa ku sabraan ku dhiiradaan kuna adkaystaan caddaynta xaqa oo aysan uga gabban cidna.

4. Sheekh C/qaadir Alle ha u naxariistee wuxuu ahaa caalim ummadda Soomaaliyeed oo dhan dibad iyo gudaba ay wada taqaanno laguna bartay faafinta manhajka ahlu sunnah waljamaaca ee ay mareen ummadda qaybteedii hore ee wanaagsanayd (salafkii saalixa ahaa), Sh. C/qaadir wuxuu kaalin lama illaawaan ah ku lahaa ka hortagga manaahijta qalloocan sida takfiirka ama khawaarijta, waxaana lagu yaqaanney inuu ku dhiirranaan jiray caddaynta xaqa ciddii rabtaba ha qoonsatee.

5. Waxaan ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah in ay meel uga soo wada jeestaan firqaddan habawsan ee Alshabaab ee hiddaha iyo dhaqanka ka dhigtay burburinta diinta, dadka iyo dalkaba, iyagoo falalkooda kharriban ugu adeegaya danaha

6. Fal danbiyeedkan lagu dilay sheekh C/qaadir Alle ha u naxariistee wuxuu sidoo kale iftiiminayaa mashruuc halis ah oo ku jeeda guud ahaan ummadda soomaaliyeed, gaar ahaanna culimada, waxgaradka, aqoonyahanka, isimada, madaxda, ganacsatada, da’yarta iyo maatada ummadda, mashruucaas oo ay hogaaminayaan dad cadow u ah islaamka, sidaa daraadeed waxaan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah inay Firqada Al-Shabaab ka leexatay caqiiqadada toosan ee diinta Islaamka, xalaashatayna Dhiigga dadka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, waxaana fatwo kusoo saaraynaa in meel looga soo wada jeesto,Al-Shabaab, ehel malahan, qabiil malahan, caqiido malahan, waxaan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed inay waajib ku tahay inay ladagaalamaan, soo qabtaan, soo sheegaan cidkasta oo fikirkaas qalloocan aamminsan oo ay garanayaan si looga badbaadiyo, aysanna u baabi’in hambadda ka hartay ummadda iyo diinta.

Ugu danbayntii, waxaan ugu baaqaynaa ummadda qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horreeyaan, maamulada, culimada, waxgaradka, iyo beelaha in ay iska kaashadaan una midoobaan ka hortagga iyo la dagaalanka firqadda Al-Shabaab ee isku bahaysatay xasuuqa bulshada, iyaga oo aan cidna dhaafayn, cidna ka xishoonayn, cidna xeerinayn, culimo iyo caammo, yar iyo weyn, rag iyo dumar, aqoonyahan iyo ganacsade. Kooxdan oo u dhar-dhigatay baabi’inta ummada iyaga oo u dilaya qof-qof iyo wadarba.

1 COMMENT

  1. Alle wad ka ben aburaten waxa tihin culimo caloshod uu shaqesta yal ah waxana tihin culimo rabto in ey ma badida jihadka tirtirto lkin umada muslimka ah xaqa wa uu cadaday oo yeli mayan rak difacaya dinta islamka la dagalama yeli mayan sidi idinka galo qarash ma siso umada muslimka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here