Mahmoud Abbas oo hogaamin doono dowlada KMG ah ee Falastiin

Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas Abumazin ayaa hogaamin doono dowlad midnimo qaran oo ay ku wada jiraan labada xisbi ee dalkaasi, kadib marki uu kulan labaad la qaatay hogaamiyaha Xamas Khaled Meshaal.

Dowlada KMG ah ayaa lagu wadaa in ay ka diyaariso doorasho magaalooyinka Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Mr Abbas iyo Mr Meshaal ayaa wada hadalo ku lahaa dalka Qatar kuwaasi oo salka ku hayey dib u heshiisiinti la gaaray bishi April 2011 sidoo kale wada xaajoodka labaad ayaa xooga lag saaray qofki madax ka noqon lahaa dowlada wadaaga cusub.

Sarkaal ka tirsan ururka Fatax ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in 18-ka bishaan February loogaga dhawaaqi doono xukumada iyo magaalada Qahiro ee xarunta dalka Masar.

Hadal uu jeediyey Qaled Mashcal ayuu ugu baaqay taageerayaasha Xamas iyo dhamaan shacabka Falastiin inay taageeraan dowlada cusub, isaga oo intaasi ku daray in la gaaray waqtigi la midoobi lahaa.

Ra’isulwasaaraha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyey Madaxweyne Cabaas, isaga oo ku tilmaamay nin doortay wado ka baxsan nabada bariga dhexe sababtoo ah buu yiri waxa uu heshiis la gaaray Xamaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.