Mahiiga oo ka walaacsan qalalaasaha ka taagan Hargeysa

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine P. Mahiga, ayaa walaac ka muujiyey qalalaasihi dhawaan ka dhacay Hargeysa ee ay ku dhinteen todobada ruux iyo xakunki lagu riday 23 kale.

Rabshadahaasi oo la xiriira dad ka careysan dhul uu maamulka Hargeysa dajiyey ciidamo iyo dad sheeganaya in ay leeyihiin, ayaa waxaa ka danbeeyey dad lala xiriirinayo in ay ku lug lahaayeen oo qaarkood lagu xakumay dil qaarna xabsi daa,in.

Maxkamad milatari ayaa dhawaan ku riday xakun dil ah 17 ruux halka 5 kalana lagu xakumay xabsi daa,in kuwaasi oo ku lug lahaa dagaal lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaala bariga Hargeysa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.