Mahiga “Waa In ey odayaasha soo xulitaanka xubnaha si doorashada ey u dhacdo dhawaan”

Ergayga QM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo ka qeb galay kulan ka dhacay halkaas isagoo hadal ka jeediyay ayaa waxaa uu si qaas ah ooga hadlay arinta soo xulista Baarlamaanka iyo doorashada nagu soo aadan.

Shirka ayaa waxaa uu ka dhacay xaruunta ciidamada midawga Afrika ee Amisom Xalane, Mahiga ayaa waxaa uu odayaasha xulaya baarlamaanka ka codsaday in ey soo gabagabeeyaan shaqadooda isagoo sheegay baarlamaanka in ey beri howshooda too su bilaaban doona.

Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka ey shaacin doonaan waqtiga doorashada madaxtooyada iyo mida gudoomiyaha baarlamaanka.

Mar su’aal laga weydiiyay ergeyga waqtiga ey dhici doonta doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaanka isagoo sheegay in rajo weyn laga qabo in howshaas ey si fican u dhamaan doonto.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda beesha caalamka, Amisom, Midawga yurub iyo madax ka socota dowlada KMG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here