Mahiga: Somaliland awood ayey u leedahay in ay iska difaacdo qatarta kusoo wajahn

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augistine Mahiga ayaa sheegay in Somaliland ay awood u leedahay in ay xajisato nabadeeda kana hor tagto qatar kasta oo soo wajahda.

Wareysi uu siiyey VOA ayuu ku sheegay in laga yaabo in Al Shabab  ay qas iyo qalaan qal geeyaan gobolada waqooyi, kadib marki laga saaray qeybo ka mid ah gobolada bartamaha iyo koonfurta sida uu hadalka u dhigay.

Mahiga ayaa ka hadlay waxyaabihi uu kala hadlay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu shalay kula kulmay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

“Waxaan ka wada hadalnay arimo ku saabsan horumarinta iyo gargaarka bani,aadnimo, maamulka Somaliland waxuu sameysay horumaro la taaban karo oo xaga nabada, marka Soomaaliland way ka jawaabi kartaa hanjabaadaha dhanka amaanka,” ayuu yiri.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in walaaca ay qabto Somaliland ee Al Shabab uu sidoo kale la qabo maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

Somaliland ayaa diyaar u ah in ay marki ugu horeysay la hadasho dowlada KMG Soomaaliya, kulankaasi waxaa kasoo shaqeeyey dowlada Ingiriiska oo cadaadis ku saartay Somaliland in ay aqbasho.

Laakin gudi uu dhawaan madaxweyne Shariif u magacaabay wada xaajoodka Somaliland ayaa waxaa diiday Somaliland iyaga oo saluugsan laba xubnood oo ka socota Puntland oo qeyb ka ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. somaliland alshabaab majoogto waa siyaasad larabo in puntland iyo somaliland ayku qaraabtaan argagaxisa la dagaalamaynaa mahigana wuxuu qabaa naagkasoo jeeda somaliland

Comments are closed.